Dawladda Qadar Oo Soomaaliya U Saxeexday Heshiis Maalgelineed Oo Ku Kacaya $ 200 Milyan

0
1667

Dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Qatar ayaa Shalay Muqdisho ku kala saxeexday shan heshiis oo horumarineed, kuwaas oo la xidhiidha dhismeyaasha kaabayaasha dhaqaalaha.

Heshiiskan oo dhanka Dowladda Soomaaliya ay u kala saxeexeen Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mukhtaar Mahad Daa’uud, ayaa dhanka Dowladda Qatar waxaa u kala saxeexay Sii-hayaha Safaaradda Qatar ee Muqdisho Eng. Xasan Bin Xamza Asad Muxamed, Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari iyo seddex wakiil oo kala mattalayay Hay’adaha kala ah Hay’adda Samafalka Qatar “Qatar Charity”, Hay’adda Waxbarashada ka shaqeysa ee loogu yeedho “Education Above All” iyo hay’adda horumarinta bulshada ee loo yaqaan “Silatech”.

Munaasabadda saxeexidda heshiisyadan oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre qaar ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xassan iyo Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari ayey ku faah faahiyeen heshiisyada labada dhinac ay kala saxeexdeen.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan waxa uu caddeeyay in mashaariicda Dowladda Qatar ay ka fulin doonto Soomaaliya lagu qiimeeyay lacag dhan 200 milyan oo doolarka Mareykanka ah, isaga oo ammaanay kaalinta ay Dowladda Qatar iyo Hay’adaheeda ay ku yeelanayaan fullinta heshiisyada lagu ballamay in lagu horumariyo Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari ayaa sheegay in mashaariicda ay Soomaaliya ka fulinayaan ay ka mid yihiin dib u dhiska waddada isku xidha Muqdisho iyo Jowhar oo dhererkeedu yahay 90 KM, waddada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye oo dhererkeedu yahay 30 KM, dib u dhiska Machadka Deraasaadka Diblomaasiyadda Soomaaliya ee hoos taga Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, barnaamijyo waxbarasho oo heerarkoodu kala duwan yihiin, shaqo-abuurid, tababbarro farsamo-gacmeed, dib u dhiska qaar ka mid ah xarumaha dowladda ee ku yaalla Muqdisho.

Mashaariicda dowladda Qatar ayaa ku kooban caasimadda iyo magaalooyinka deriska la ah sidii la isugu xidhi lahaa.

Qatar hore wax mashaariic ah ugama fulin jirin Soomaaliya. waxaana heshiiskan imaanayaa iyada oo Dowladda Qatar weli ku jirto go’doonka ay ku hayaan isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayo, Dowladda Soomaaliya ayaa qaadatay mowqif dhex-dhexaad ah khilaafka Khaliijka, kaas oo loo arkey mid ay ku tageereyso Dowladda Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here