Dawladda Aan Iskeed Isku Maamulin Ee Soomaliya Oo Xiisad Gacan Ku Rimis ah Ka Abuurtay Buhoodle, Nuxurka Shir Qaranimada Somaliland Ka Dhan Ah Iyo Mooganaanta Xukumadda Somaliland.

0
1163

Magaalada Buuhoodle Waxaa Maalmihii Ugu Danbeeyey Ka Socday Shir Ay Dabada Ka Riixayso Dawlada aan iskeed isku maamulin ee Somaliya Oo Loogu Magac Daray Shirka Aayo,Katalinta Gobolada SSC.

 Shirkan Waxaa Lagu Sheegay Inuu Noqonaayo Mid Dhaqan Kaas Oo Ay Wada Yeelanayaan Cuqaasha Iyo Isimada Gobolada Barriga Si Ay Xal Waara Uga Gaadhaan Masayrkooda Siyaasadeed.

 Wararka Aanu Helayno Ayaa Sheegaya Inay Shirkan Taageereen Isimada Kasoo HorJeeda Dawladda Somaliland Halka Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Gobolka Sool Ay Sheegeen Inaanay Wax Shaqo Ah Ku Lahayn Shirkaasi Kana Qayb Gelinayn.

 Dhanka Kale Kooxda Uu Hogaamiyo Mr Cagalule Iyo Maamulka Putland Ayaa Iyaguna Isla Qaatay In Shirkani Qabsoomo Maadama Oo Maamulkiisu Ka Sareeyo Labada Kooxoodba Isla Markaana Si Toosa Uu Gacanta Ugu Hayo Dawlada Fereraalka Somaliya.

 Dawlada Somaliland Kamay Hadlin Shirkan Lagu Mijo Xaabinaayo Qaranimada Somaliland Ee La Filaayo Inuu Ka Qabsoomo magaalada Buuhoodle .

 Dawlada Federaalka Somaliya Ayaa Wakhtigii U Danbeeyey Xoojinaysay Xidhiidhka Ay La Yeelanayso Madaxdhaqameedka Dhulbahante Iyo Cuqaasha Warsangeli Ee Iyagu Inta Badan Taageera Kooxa Hubaysan Ee Dagaalka Kula Jira Qaranimada Somaliland.

 Dhanka Kale Siyaasiyiinta Iyo Wasiirada Beelaha Gobolka Sool Ugu Jira Xukuumada Ayaa Ka Gaabsaday Inay Ka Hadlaan Shirkaasi Inkasta Oo Aanu Shirkani Si Rasmiya Usoo Shaac Bixin Waxaana Muuqata Inaanay Ilaayo Hada Ka Qaadin Wax Go,aana sidoo kale xukuumadda Somaliland

ayaa iyadu moogan halista ka dhalan karta shirka gacan ku rimiska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here