Xanuunka Jadeecada Oo Ka Dilaacey Deegaano Gobolka Sool ka Tirsan Iyo Lix Caruur Ah Oo Xanuunka Jadeecada Ugu Geeriyooday Degmada Boocame

0
833

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xanuunka jadeecada uu faro baas ku hayo deegaano ka tirsan gobolka Sool isla markaana dad badan uu soo ritay qaarna u geeriyoodeen, daka degaanka ayaa waxay sheegayaan in dadkan uu soo ritay xanuunku ay u badan yihiin caruur aad u yaryar da’dooduna ay ka yar tahay 5 jir,waxaana sidoo kale uu soo ritay qaar kamid dadkii waayeelka ahaa ee ay abaartu sida ba;an u saamaysay, waxaana xanuunkan ilaa hadda degmada Boocame oo katirsan gobolka Sool ugu geeriyooday Lix caruur ah oo da’doodu ay ka yar tahay 5 jir.

 Caruurtan ayaa qaarkood ay ahaayeen kuwo dawooyin ku qaadanayay xarun caafimaad oo ku taala Boocame,Waxaana xanuunkan uu faro baas ku hayaa deegaano ka tirsan gobolka Sool,iyaga oo dadka deegaankaasi qaylo dhaan usoo direen wasaaradda caafimaadka Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here