Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Dalacsiiyay Taliyaha Ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland

0
961

Madaxweynaha Xilka ka sii dagaya ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan dallacsiiyay,Taliyaha oo hore u ahaa sarreeye guuto ayaa haatan laga dhigay Darajada Sarreeye Gaas.

Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Muddo soo hoggaaminayay ciidamada booliska ayaa la rumaysan yahay in uu shaqo wanaaggiisa ku mutaystay dallacsiinta la gaadhsiiyay darajada u saraysa ee Ciidamada Somaliland.

Muddada uu hayay hoggaanka booliska Ayaan laga dareemin dhalliilo shaqo iyo cabasho dhanka ciidanka ah Iyo Haday Noqto Dhinaca Dadwaynahaba .

Taliye Fadal Ayeey Ciidamadu Ku Tilmaamaan In Uu Yahay Taliyihii Ugu Fiicnaa Ee Soo Mara Ciidamada Marka la Eego Hogaaminta Ciidanka Iyo Habdhaqankiisaba .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here