Ex Madaxweyne Daahir Riyaale Oo Dalka U Imanaya Fooladeynta Madaxweynaha La Doortay Iyo Dhaarta Madaxweyne Muuse Biixi Oo Mataaneynaysa Saddex Madaxweyne Oo Xukunka Dalka La Kala Wareegay

0
1253

Ilo looga qaateen ah oo wargeyska sahan helayo ayaa tibaaxaya in Madaxweynihii Hore ee Somaliland Muddane Daahir Riyaale Kaahin oo ku sugan dalka france  maalinta salaasada ee toddobaadkan ku soo wajahan yahay magaalada hargeysa, imaanshaha Madaxweyne Riyaale ayaa la wariyey inuu ka dambeeyey martiqaad rasmi ah oo u ka helay Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi kaas oo si khaas ah ugu marti qaadey inuu goob joog ka ahaado Maalinta dhaarinta iyo xil wareejinta ee madaxweynaha la doortay lagu wareejin doono Somaliland, Daahir riyaale kaahin oo talada wadanka gacanta ku hayey muddo 8deed sanno ah ayaa cahdigii uu talada dalka gacanta ku hayey keenay meel wanaagsan markii xilka lagaga guuleystayna si xarago leh u wareejiyey intii ka dambeysayna wuxuu ahaa odey Somaliland ah oo horumarka dalka jecel isagoona  ilaa wakhtigaa aan wax  hadal xun dalka uga soo yeedhin mucaaradna ku noqon xukuumadii talada dalka kala wareegtay. Sidoo kale ex Madaxweyne riyaale wuxuu daawade ka ahaa tartankii doorashada dalka ka dhacay isagoona aan marna ka soo muuqan masraxa siyaasada dalka.  xisbi gooniya u xaglinaya wuxuuna ummada Somaliland tusay inuu dhex ka yahay wallow ay jirtay xisbiyo quud-dareynayey inuu la safto oo suuqa soo galaliyey. balse markii dambe u quus-gooyey. Imaansha daahir riyaale dalka ku imanayo ayaa noqonaya mid ka duwan safaradii hore ee uu  dalka ku iman jiray. Xaflada caleemo saarka Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi ayaa iyana ka duwan xilwareejinihii hore ee qaranka waxaana goobjoog ka ah oo qurux iyo bisaylka siyaasadeed ee dalku gaadhay ku tusaya in saddexdii madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee xukunka iyo talada dalka u kala dambeeyey ay goobjoog markhaatiya ka ahaadaan  Madaxweyne Daahir riyaale iyo madaxweyne ku xigeenkiisii Axmed Yuusuf yaasiin, Axmed Maxamed Maxamud (SIILAANYO)  Iyo Madaxweyne ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Seylici Oo Mar kale Madaxweyne ku xigeen u ah madaxweynaha la doortay muuse biixi cabdi sawiradan iyo taariikhda maguurtada ah ayaa noqonaya kuwo qurux iyo xarago u yeela xiisaha siyaasada dalka kaas oo bisaylka siyaasadeed ee dalka ka hano qaadey noqdey mid aan dalalka aduunku qaar kood helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here