Khilaaf Xadhkaha Goostay Oo Ka Dhex-qarxay Xildhibaanada Golaha Degaanka Burco Iyo Guddida Fulinta Dawladda Hoose Ee Burco Iyo Fiinta Oo Dhex Miraneysa

0
933

Khilaaf culus oo curdan-dhadhiyey wadashaqayntii xildhibaanada golaha deegaanaka degmada burco ayaa soo kala dhex galay guddida fulinta dawlada hoose oo ay maamulaan maayerka degmada burco, maayer ku xigeenka degmada iyo xoghayaha degmadaasi waxaaney isku maandhaafan yihiin dhul la baloodhaysanayo oo qaar ka mid ah xildhibaanada golahaasi ay qoorta u sudheen guddida fulinta dawlada hoose kuwaas oo ku sheegay in hanan kabaxsan sharciga loo maray.

Khilaafkan Oo Yimid Ka Dib Markii Qaar Ka Mida Golaha Deegaanka Degmada Burco Ay Warbaahinta Dhawaaq U Mariyeen,Shacabka Burco Oo Ku Saabsanaa In Gudida Fulinta Dawlada Hoose Ee U Hogaaminayo Maayir Muraad Ay Iibsadeen,Hantidi Umada Isla Markaana Ay Ibiyeen Wadooyin Halbawle U Ah Xafadaha Qarkood.

Xildhibaano Ay Ka Mid Ahayeen ,Cabdi Laki,Kayse Axmed Raage,Shiine Faliidh,Nuux Maxamed Xuseen Iyo Xubno Ka Mida Shacabka Degan Xaafada Jaaliyada Burco Ayaa Warbaahinta Horyimid Ayaa Ku Eedayay Gudida Fulinta Dawlada Hoose Ay Ibiyeen Wado Halbawle Ah Oo Tagta Xaafada Jaaliyada,Taasi Oo Ay Ku Eedeyeen Inay Ka Ibiyeen Mid Ka Mida Ganacsatada Dalka Ugu Waawayn.

Xildhibadan Ayaa Carabka Ku Dhuftay In Gudida Fulinta Dawlada Hoose Ay Ka Faa,idaysanayaan Xiliga Kale Guurka ,Baaqna U Diray Madaxwaynaha Cusub Iyo Hanti Dhawraha Qaranka Oo Ay Cod Dheer Ku Shegeen In U Soo Gaadho Magalada Burco.

Dhawaaqan Ka Soo Yeedhay Xildhibnada Ayaa Aad U Xulay,Dhegaha Shacabka Burco Oo Goobaha Lagu Kulmo Ku Falanqeeyay,Iyaga Oo Sheegay In U Bahantahay In Shacabku Ay Ka Biyo Dideenyihiin In La Xarasho Dhulka Danta Guud, Kuna Tilmaamay In Kuwii Horeba Ee La Iibiyay Aan Waxba Lagu Qaban Dalka Oo Jeebadda Shakhsiyaad Gaar Ah Ay Gashay .

Hadaba Duqa Degmada Burco Ustaad Maxamed Muraad ,Xubno Ka Mida Gudida Fulinta Iyo Xildhibaanaba Ayaa Iyaguna Maanta Shir Jaraa,id Ku Qabtay Magalada Burco Ayaa Meesha Ka Saaray Inay Ibiyeen Dhun Hantida Guud Iyo Wadada Ay Xildhibanada Hore Ku Eedeyeen.

Maayirka Iyo Xildhibanadan Ayaa Cod Dheer Shacabkii Ay Xushay Hadalka Hore Ee Xildhibanada U Sheegay Inay Ahayd Been Abuur,Aan Sal Iyo Ratoona Lahayn,Sidoo Kalena Sheegay Inay Ka Xunyihiin In Xildhibaano Ka Mida Ay Warbaahinta Ah U Shegeen Shacabka Burco Iyo Dadwaynaha Somaliland.

Si Kastaba Ahaaye Khilaafkan Cusub Ee Mar Kale Ka Curtay Golaha Deegaanka Degmada Burco Iyada Oo Lagu Jiro Xili Wadanku Galay Kale Guur , Oo Dalka Ay La Wareegayaan Madaxwayne Cusub Iyo Ku XIgeenkiisa Isla Markaana  Loo Soo Dhisi Doono Xukumad Cusub Ayaa Shacabka Burco Ku Noqotay Fajac Iyo Amakaak.

Madaxwaynaha Cusub Iyo Hanti Dhawraha Guud Ayaa Laga War Sugayaa Talabada Ay Ku Wajayaan Iibinta Dhulka Danta Guud Iyo Eedaymaan Ay  Is Waydaarsadeen Xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Mudadii Ay Jogeen Khilaafkoodu Ka Batay Dhaga Shacabkii Soo Doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here