Xukumadda Somaliland Oo Digniin Adag U dirtay Salaadin Iyo Cuqaal Shir Amaanka Lidd Ku Ah Kaga Dhawaaqey Gobolka Sanaag.

0
822

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha Somaliland ee dhinaca Amniga Mudane Maxamed Muuse Diiriye Ayaa Digniin Udiray Salaadin Iyo waxgarad la sheegay iney isku urursanayaan gobolka sanaad kuwaas oo shir amniga liddi ku ah.

“walaahey filimaayo iney jirto cid reer Somaliland ah oo isku dayaysa iney dalka dumiyaan, uma laxejeclo badninye dalka waan wada leenahey waxanse leeyahey wixii xanaf leh ee hadal turxaan keenaya ah halaga ilaaliyo qaranka waxan loo baahanyahey in aan qaranka u midowno, salaadinta gobolka sanaag waxay ka mid yihiin salaadinta qaranka waxan leeyahiin duubabkii qaranka aan dalkan degenaanshihiisa iyo nabad gelyadiisa ka wada shaqeyno, idinki inta badan xisbiyo uma jandheedhaan ee hogaan dhaqan ayaa tihiin, waxan u maleynayaa cid idinka laxajeclo badani dalkan inaaney jirine dee wixii la tabanayo hoos ha laysugu yidhaahdo oo miiska ha laysugu yimaado, haseyeeshee hadalkaas taagtaan iyo hadalka meelahaas laga leeyahey dadku waa ka naxayaan ee halaga daayo”ayuu hadalkiisa ku sheegay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha Somaliland ee dhinaca

Geesta kale isagoo hadalkiisa siiwata Mudane Maxamed Muuse Diiriye waxaa uu digniin adag hawada umariyay dhalinyaro habeen kooxo kooxo uwada socoto oo khatar galiyay amaanka dalka “waxan udigayaa dhalinyarta iyo waalidkoodaba, habeenkii hadii aad magaalada dhex marto dhalinyarada iyo ciidamadii amaanku waa isla kadeedan yihiin, waxan uga digeynaa waalidka dhalay talaabo adagbaan ka qaadneynaa anaga iyo dhalinyartaasi sidaad ku wada soconmayo, waa da’yartii la doonaayay in dalkan loo dhiso ayaa waxaas sameyneysa loo adkeysan mayo caynkaas dalka hadii ay sidaas kusii wadaan way ku duminayaan waalidkana waxan faraynaa iney ubadkooda ilaashadaan, inanka hawshaa ku jira ee habeen oodhan wareerinaya ciidanka ee hablihii dariiqyada isku taagaya ee aan ku qabano cid nooga ergoon kartaa ma jirto”ayuu hadalkiisa ku yidhi Mudane Maxamed Muuse Diiriye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here