SARAAR: Ciidammada Booliiska Oo Qabtay Tobannaan Litir Oo Maandooriyaha Khamriga Ah

0
1036

Ciidammada Booliiska ee Gobolka Saraar, ayaa habeen hore Gacanta ku dhigay Maandooriyaha loo yaqaanno Khamriga oo Dad ka Ganacsato ahi ka soo waarideen dhanka Dalka Itoobiya.

Ciidammada Booliiska ee Gobolka Saraar, gaar ahaan Ciidamo ku sugan Rug Booliis oo ku taalla deegaanka Kiridh oo Gobolkaa ka mid ah, ayaa ku guulaystay qabashada Khamrigaasi.

Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Saraar Gaashaanle dhexe Mursal Xaaji Warsame Sugule oo ka hadlay sida loo qabtay Khamrigan iyo Tiradiisa wuxuu yidhi  “Ciidammada Booliiska ee Gobolka Saraar, gaar ahaan Ciidanka jooga Rugta deegaanka Kiridh ayaa Gacanta ku dhigay Khamri, ka dib markii ay heleen Xogta Khamriga iyo in deegaanka Kiridh Gaadiid ku kala wareejinayo Khamrigaasi.”

Taliyuhu wuxuu sheegay inaan Ciidanku ku guulaysanin inay qabtaan Dadkii watay Khamrigaas oo uu sheegay in meel la dhigay si ay u qaataan Dad kale oo sugayey “Ciidanku markay Gacanta ku qabteen Khamriga waxa ogaaday Qoladii Khamriga qaadan lahayd (La wareegi lahayd) dabadeedna way fakadeen Nasiib-darro.”

Taliye Mursal waxa kale oo uu sheegay “Khamrigani wuxuu ka kooban yahay 115 Dhalo.”ayuu yidhi.

Khamriga ayaa la burburiyey Shalay, ka dib markii Maxkamadda Gobolka Saraar oo Boolisku u gudbiyey  amartay in la burburiyo.

Khamrigan la qabtay ayaan ahayn kii ugu horreeyay ee la qabtay, balse Ciidammada Booliiska Somaliland ayaa si joogta u qabta Khamri laga soo waariday Dalka Itoobiya, iyadoo Dadka lagu qabto iyo Gaadiidka sidaba Maxkamaduhu xukun adag ku ridaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here