Soomaaliya: Al-shabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ku Fulisay 19 Jir Lagu Eedeeyay Inuu Xaday Shan Kun Oo Dollar

0
815

Kooxda Al-shabaab ayaa xukun Gacan goyn ah ku fulisay Wiil Dhallinyaro ah, kaasi oo lagu eedeeyay inuu ku kacay Fal Xatooyo ama Tuugnimo ah.

Fagaare ku yaalla Deegaanka Kuunta-Barroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dalka Soomaaliya, ayaa Gacan lagaga jaray Cabdifataax Cismaan Axmed oo Da’diisa lagu sheegay 19 Jir, ka dib markii Maxkamad Al-shabaab deegaankaa ku leedahay ku xukuntay in Gacan laga gooyo.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay in Ninkan 19 jirka ah uu qirtay inuu xaday hanti iskugu jirta Shan kun oo Dollar, Koombiyuutarro iyo Moobaylo, ka dib markii uu u jabsaday Dhowr Guri oo deegaankaa ku yaalla.

Warbaahinta Al-shabaab waxay sheegtay in Cabdifataax Cismaan Axmed lagu fuliyey Xukun Gacan goyn ah iyo inuu soo celiyo Hantida lagu eedeeyay inuu xaday, wallow aanay jirin Cid Madax-bannaan oo xaqiijin karta jiritaanka falka lagu eedeeyay Ninka Gacanta laga gooyey.

Inkasta oo Diinta Islaamku ogoshahay in Qofka ku kaca Xatooyo laga jaro Gacan, si uu uga waantoobo, haddana Xukunnnada Al-shabaab u cuskato Diinta Islaamka, ayaan la ogayn inay si sax ah u dhacaan iyo in kale.

Al-shabaab ayaa xukuno Dil, Xadhig iyo Gacan goyn ah ka fuliya deegaannada ay xukumaan ee Dalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here