Dastuurku Muxuu Ka Qabaa In Madaxweynuhu Dhaariyo Wasiirrada Cusub, Ka Hor Meel-Marinta Golaha Wakiilladu ?

0
697

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo Khamiistii ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada, ayaa fadhigoodii u hurreeyay ku dhaariyey Wasiirradaasi.

Dhaarinta Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa waxa ka dhashay su’aalo la xidhiidha waxa Sharcigu ka qabo Dhaartaasi, maaddaama oo aan Golaha Wasiirrada aanu Baarlamaanku ansixinin oo aanay weli noqonin Wasiirro Sharciya, sidaasi darteed ayaa Xildhibaan Maxamed Yuusuf  Waabeeye oo ka mid ah Golaha Wakiillada iyo Gar-yaqaan Guuleed Jaamac Dafac la waydiiyey waxa sharcigu ka qabo in la dhaariyo Wasiirrada oo aan weli Golaha Wakiilladu ansixin.

Gar-yaqaan Guuleed Dafac oo hadalka ku horreeyay ayaa ku jawaabay “Dhaartaasi sinaba Sharci kuma ah, Waayo? Ninka la dhaariyey weli Wasiir muu noqonin, waxa la yidhi waxa loo dhaariyey inuu Sirta Qaranka ilaaliyo. Qodobka 94-aad ee Dastuurka Qaranku wuxuu sheegayaa marka Madaxweynuhu uu Magacaabo Wasiirrada iyo Wasiir ku-xigeennada wuxuu hor-geynayaa Golaha Wakiillada, kuwaasi oo Xubin kasta oo ka mid ah Golaha Wasiirrada ugu codaynaya Cod Hal dheeri ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Marka Xildhibaannada Golaha Wakiilladu ansixiyaan, 30 Maalmood gudahood Wasiirrada iyo Wasiir ku-xigeennada la Magacaabay waxa Madaxweynaha hortiisa ku dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda sare, markaa dhaarta Dastuurku jideeyay ee Golaha Wasiirrada la marinayaa waa taas, waana dhaarta dhamaystiraysa in Qofku noqdo Wasiir, laakiin marka la Magacaabo Qofku ma noqdo Wasiir ee soo jeedin baa la yidhaahdaa, oo Madaxweynuhu wuxuu ugu talo-galay inuu noqdo Wasiir, markaa waxa shardi ah in Baarlamaanku ansixiyo, Waayo? Waa la diidi karaa.”

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yuusuf (Waabeeye) oo ka mid ah Golaha Wakiillada oo isagana Telefiishanka HCTV waydiiyey waxa sharcigu ka qabo dhaarinta Wasiirrada cusub ka hor ansixinta Golaha Wakiillada ayaa ku jawaabay “Dastuurku wuxuu jdeeyay in Golaha Wasiirrada la dhaariyo, laakiin dhaarintii aan shalay (Doraad) maqlayey isma waafaqsana. Golaha Wasiirrada marka Baarlamaanku ansixiyo 30 cisho ka dib, ayaa waxa dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda sare sida Dastuurku sheegayo.”ayuu yidhi.

Ugu dambayn, Dadweynaha Somaliland ayaa su’aalo badan ka keenay sababta uu Madaxweynuhu uu Wasiirrada cusub u dhaariyey, iyadoon Golaha Wakiillada la hor-geynin oo aanay ansixin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here