WADDANI & KULMIYE Oo Isku Riix-Riixaya Masuuliyadda Baaqashada Wada-hadallo Turxaan-saarid Ah Oo Ay Yeelan Lahaayeen

0
707

Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ayaa mid ba ka kale ku eedeeyay inuu suurto galin waayey wada-hadal ay yeeshaan labada xisbi tan iyo intii ka danbaysay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 13kii bishii Noofambar ee 2017.

Madaxda Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa dorraad xilli ay soo dhaweynayeen Guddoomiyaha Xisbigaasi oo dalka ku soo laabtay ay war-fidiyeenadu weydiiyeen inay diideen ergo uga timid Madaxweynaha cusub iyo Xisbiga Kulmiye, waxaana su’aashaasi ka jawaabay Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Md Cabdiqaadir X Ismaaciil Jirde, waxaanu yidhi “Su’aasha aad tidhi Madaxweynaha cusub ee la doortay ee la dhaariyey wuxuu sheegay inuu ergo noo soo diray (Waddani) oo aanu diidney, arrintaa waxba kama jiraan”. Cabdiqaadir Jirde waxaanu intaasi ku daray “Soo jeedinta annaga ayaa lahayn, waxaanu codsanay in shan shan xubnood oo labada xisbi ahi inay kulmaan, balse Muuse isaga ayaa ka gows qabsaday oo diiday inuu nala kulmo, isagaana doontay beelo oo ka beydhay Xisbiga, mana jirto Xisbiga Waddani wax uu diiday”.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi-dheere, ayaa isna Shalay oo ay war-fidiyeenadu wax ka weydiiyeen arrintaasi waxa uu ku jawaabay  sidan “Xisbiyada Mucaaridka ah aad baanu u soo dhaweynaynaa, meel kasta ayaanu ugu tegaynaa haddii aanu nahay Xisbiga Kulmiye, waanu la kulmaynaa, waanu ugu ballan-qaadnay in aanu la kulano Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, welina waanu sugaynaa, shalay ayuu yimid, wada hadalana way noo socdaan”. Waxaanu intaasi ku daray “Ma jirto ballan aanu lahayn oo aanu ka baaqsanay, weli se waxaanu sugaynaa Xisbiga Waddani, sidii aanu ula kulmi lahayn, waana xisbi Qaran oo wada shaqayni way naga dhexaynaysaa, waanu la shaqaynaynaa, iyagana waxaanu u doonaynaa sidaa aanu u doonayno inay noola shaqeeyaan, waanay noo suurto galaysaa, Haddii ALLE yidhaahdo dhawaan, waana la arki doonaa, annaga oo wada fadhina oo isku immanayna”.

Ugu dambayntii, loolanka iyo xannaftii ka dhalatay doorashadii Madaxtooyada Somaliland oo sababtay inay si weyn bulshadu ugu kala qaybsanto, si looga gudbo ayey labadan Xisbi garwaaqsadeen inay wada hadal u furmo oo ay kulmaan, balse wada hadalkaasi ayaan ilaa hadda suurto galin, taasi oo aan la garanayn sababta keentay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here