Wasiiru-dawlihii Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadlay Tuhunno Ka Dhashay Gaadiid Burco Lagaga Xidhay Xaglo-toosiye

0
583

Ka dib, markii dhowr Maalmood ka hor Magaalada Burco lagu xidhay laba Gaadhi oo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) u diray Magaalada Laascaanood iyo Dirawalladii wadayba, ayaa waxa soo baxay warar kala gedisan, kuwaasi oo qaarkood sheegayaan in Wasiirku uu Gaadiidkan oo Dawladdu lahayd ula goosanayey Degmada Buuhoodle oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Warar kale oo Arrintan ku saabsana waxay sheegeen in Dr. Saleebaan uu ka cadhooday inaan Madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi Cabdi aanu Xukuumaddiisa ku soo darin, sidaasi darteedna uu Qorshaystay inuu Gaadiidkan ula goosto Buuhoodle, laakiin Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye oo laftiisa Arrintan wax laga waydiiyey wuxuu sheegay in Gaadiidkan la qabtay ay Magaalada Laascaanood ka soo qaadanayeen Xubno Qoyskiisa ka mid ah oo aanu qorshe kale jirin.

Arrintan oo Maalmihii u dambeeyay Bulshadu si weyn u hadal-haysay, ayaa la waydiiyey Wasiiru-Dawlihii Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal) oo ay Muddo soo wada shaqeeyeen Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye).

Mr. Galaal ayaa Telefiishanka Bulsho waydiiyey inay Wasiirkii hore ee Caafimaadka ka suurto-galayso inuu gaadiidka la baxsanayey isla-markaana uu Maleeshiyaad ka abaabulayo Buuhoodle, ayaa ku jawaabay “Arrintaasi arrin Caqliga galeysa iilama eka, Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye waa Nin aan aad u aqaano, markaa u malayn maayo isagoo shantii Sannadood ee u dambaysay Wasiir ka ahaa Somaliland, inuu Maalinta Xilka Qof kale loo dhiibo uu halkaa ka fad-kudinayo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye Garaadkiisu intaas wuu igala weyn yahay, waxaanan aaminsanahay in sheekooyinkaasi waxba kama jiraan yihiin.”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo ahaa Hoggaamiyihii Jabhaddii burburtay ee SCC, ayaa Somaliland kula midoobay heshiis dhex maray Xukuumaddii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here