Sucuudiga Oo Hawada Ku Qabtay Gantaal Xuutiyiinta Yemen Ku Ganeen Caasimadda Riyaad

0
776

Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yemen, ayaa sheegay in ay qabteen gantaal caag ka sameysan oo ku sii jeeday magaalada Riyaadh, sida uu baahiyay TV-ga dowladda Sacuudiga.

Goob-joogeyaal ku sugan caasimadda Sacuudiga ayaa sheegay in ay maqleen qarax. Waxay sidoo kale baraha bulshada geliyeen qiiq ka baxayo dhanka hawada sare.

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa TV-gooda Al-Masirah ka sheegay in gantaalka loo yaqaano Burkan-2 ay u rideen dhanka qasriga Yamama.

Bishii la soo dhaafay, gantaal kaa la mid ah ayaa ku dhowaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh.

Sucuudi Carabiya iyo Mareykanka ayaa Iran ku eedeeyay in ay madaafiic siiso Xuutiyiinta Yemen.

IRAN ayaa beenisay in ay hubeyso dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta oo dagaal kula jira isbeheysiga Sacuudiga iyo dowladda Yemen tan iyo 2015-kii.

Waxrbixin lagu qoray bogga al-Masirah waxaa la geliyay muuqaalka iyadoo xuutiyiinta ay ku dhawaaqayaan rididda gantaalka Burkan-2.

Gantaalka waxaa lagu riday dhismaha Al-Yamama ee Riyadh oo uu ka socday “kullan ay lahaayeen hoggaamiyayaasha Sacuudiga”, ayaa lagu qoray bogga.

Qasriga wuxuu xafiis u yahay boqorka, waxaana ku taalla maxkamadda boqortooyada.

Daqiiqado ka dib, Telefishinka dowladda Sacuudiga ee al-Ikhbariya TV, wuxuu baahiyay in gantaalka lagu qabtay koonfurta caasimadda Riyaadh.

Muuqaalka oo uu baahiyay nin sheegay inuu joogo degmada Olaya waxaa ka muuqdo qiiq magaalada dusheeda ah. Ka dib waa la maqli karaa qaraxa.

Gantaalka ayaa noqonaya kii labaad ee Xuutiyiintu ku ganaan Dalka Sucuudiga oo Hoggaamiya isbahaysiga dagaalka kula jira Xuutiyiinta.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here