Wiilka Boqorka Sucuudiga Oo Iibsaday Guriga Dunida Ugu Qaalisan, Xilli Uu Madaxdii Dalkiisa U Xidh-xidhay Eedaymo Musuqmaasuq

0
715

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa noqday ninka magaciisa la qariyay ee iibsaday guriga ugu qaalisan dunida ee ku yaalla Faransiiska, sida uu daabacay wargeyska The New York Times.

Wargeyska ayaa sheegay in warqadda kala iibsiga gurigaasi uu ka muuqdo dhaxal sugaha boqortooda oo dhowr shirkadood u maray arrinta.

Qasriga oo ku dhow Versailles, wuxuu leeyahay kallaab, Sillimoo, jidad yaryar oo qoyan iyo biyo hoose oo kalluun uu ku nool yahay.

Qiimaha guriga wuxuu ahaa $320 milyan oo dollar. Wargeyska dhaqaalaha ka hadla ee Fortune ayaa sheegay in qasriga uu yahay kii ugu qaalisanaa caalamka.

Magaca qofka iibsaday guriga lama garaneyn xilligii hore. Laakiin The New York Times ayaa ku warrantay in warqaaha ay muujinayaan in guriga ay iibsatay shirkad uu maamulo Amiir Maxamed bin Salmaan oo qeyb ka ah hay’addiisa u gaarka ah.

Haweeney u hadashay safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa weriyayaasha The New York Times ku eedeysay “baahinta war aan dhexdhexaad ahayn oo ay dano gaar ah ka leeyihiin”.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Amiir Maxamed wuxuu hoggaaminayay olole aan hore loo arag oo ka dhan ah musuqmaasuqa, si xun u adeegsiga awoodda, iyo arrimo kale.

Wuxuu xidhay tobannaan Qof oo caan ka ah Sacuudiga, sida amiirro, Wasiirro iyo tujaar, lagu xidhay qasriga qaalliga ah ee ku yaalla Riyaad ee loo yaqaano Ritz-Carlton.

Badhtamihii 2015, Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa la sheegay in uu $590 milyan oo dollar ku iibsaday doon qasri ah oo uu lahaa ganacsade u dhashay Ruushka.

Wargeyska The New York Times ayaa sidoo kale sheegay in qofka dhabta ah ee iibsaday sawirka farshaxanka ee Leonardo da Vinci ee uu sameeyay Salvator Mundi, uu yahay Amiir Maxamed bin Salmaan.

Wuxuu ku bixiyay lacagtii ugu badnayd oo gaareysa $450 milyan oo dollar. Waxaana sawirkaasi lagu soo bandhigi doonaa magaalada Abu Dhabi.

Markii hore waxaa loo malleynayay in uu iibsaday amiir kale oo la qariyay magaciisa, balse wargeyska wuxuu sheegayaa in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu yahay ninka laga iibiyay sawirkaasi farshaxanka ah.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here