DEG DEG:- Wasiirkii Ugu Horeeyay Ee Ka Tirsan Federaalka Soomaaliya Oo Booqasho Ku Maraya Gobolo Somaliland Ah, Immisa Gobol Ayuu Booqday Ilaa Hadda? [ Akhriso ]

0
777

Wasiirka Qorshaynta ee Soomaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa noqday wasiirkii ugu horeeyay ee isagoo ka tirsan xukuumadda Soomaliya booqasho ku taga gobolo Somaliland ka tirsan.

Wasiir Jamaal ayaa deegaanka Buro-wadal ee gobolka Sool waxa uu kaga qayb galay caleemo saarka Ugaas Cabdilaahi Ugaas Ciise.

Wasiir Jamaal ayaa maantana lagu wadaa inuu booqdo deegaano ballaadhan oo ka tirsan gobolka Sanaag, deegaanada lagu wado inuu booqdo waxa kamida Dhahar, Badhan iyo dhismaha waddada Ceel-daahir Iyo Ceerigaabo.

Wasiir Jamaa ayaa dhalasho ahaan kasoo jeedaa deegaanada Sanaag-bari waxaana uu noqonayaa masuulkii ugu horeeyay ee booqda gobolo ka tirsan Somaliland oo ay mamnuuc ka yihiin Siyaasiinta xilalka ka haya Xamar maadaama ay ku dhawaaqday Somaliland in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991.

Wali wax war ah kama soo bixin dhinaca Xukuumada Somaliland.

Xigasho:- Xornimonews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here