Boqolaal Qof Oo U Afduubnaa Boko Haram Oo Ka Soo Baxsaday

0
839

Ciidamada dalka Nigeria ayaa waxay sheegeen in in ka badan 700 oo qof oo gacanta ugu jiray kooxda Boko Haram ay ka soo baxsadeen.

Afhayeenka ciidamada Nigeria Timothy Antigha ayaa sheegay in dadkani ay soo mareen agagaarka harada Chad islamarkana ay ugu dambayntii soo gaareen magaalada Monguno, ee gobolka Borno.

Ma jirto caddaymo ka madaxbanaan ciidamada Nigeria oo muujinaya dadkaasi la sheegay in ay ka soo baxsadeen kooxda Boko Haram.

Wariyaha BBC ayaa sheegaya in laga yaabo in dadkani ay marar kala duwan soo baxsadeen.

Saraakiisha militariga Nigeria ayaa waxa ay sheegeen in howlgalo ay dhawaan sameeyeen ciidamada ay wiiqeen awoodda kooxda Boko Haram.

Madaxwaynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa khudbad uu ugu talagalay sanadka cusub waxa uu ku sheegay in kooxda Boko Haram laga adkaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here