Dibad Baxyada Iiraan Oo Sii Xoogaysanaya

0
677

Waxaa maalin ba maalinta ka dambeysa sii kordhaya dibad baxyada ka socda dalkaasi Iiraan.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dibadbaxayaasha oo isku dayaya in ay qabsadaan saldhig booliis islamarkana qayb ka mid ah dhismaha dab la qabadsiiyay.

Mar sii horeysay xukuumadda Iiraan ayaa sheegtay in nin ka mid ah dibadbaxayaasha oo ku hubaysan qori ah nooca lagu ugaarto uu dilay nin booliis ah .

Ilaa iyo imika waxa dibadbaxyada Iiraan ku dhintay 13 qof.

Madaxwaynaha dalka Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa si wayn u dhaliilay qaabka ay dibadbaxyada u socdaan.

Mr Ruuxaani ayaa sheegay in dibadbaxyadani ay halis ku yihiin dalka Iiraan.

Dhanka kale raisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa taageeray dibadbaxyada ka socda dalka Iiraan.

Muuqaal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Mr Netanyahu waxa uu farta ku fiiqay in dadka reer Iiraan ay u dagaalamayaan xorriyadooda ayna doonayaan caddaalad.

Dibadbaxyadani ka socda dalka Iiraan ayaa ah caqabaddii ugu way ee soo wajahday dowlada Iiraan tan iyo 2009.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here