Trump Oo Pakistan Ku Eedeeyay Been Iyo Khiyaano, Waa Maxay Sababtu?

0
1078

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay dawladda Pakistan in ay khayaanayso Maraykanka iyadoo balaayiin doolar oo gargaar ah la siinayo.

Twitterkiisii u horreeyay ee uu sannadkan cusub soo dhigo ayuu Pakistan ku eedeeyay in uu gabaad siinayo argagixisada.

Pakistan ayaa Twitterkaas si car leh uga jawaabtay, waxayna sheegtay in dhamaan deeqda la siiyo si fiican loo maareeyo Trumpna uu “ka gubanayo jabka uu Maraykanku kala kulmay Afghanistan”.

Maraykankan ayaa ka baaraan dagaya in uu xanibo in kabadan 250 milyan oo doolar oo deeq ah oo Pakistan loo diri lahaa bisha Agoosto.

Tallaabadaas ayaa loo arkaa in ay dhalisay Pakistan oo u muuqda in uu ku guuldaraystay si wayn wax uga qabashada la dagaalanka argagixisada, sida uu ku warramay wargeyska Ney York Times.

  • “Maraykanku si doqonimo ah ayuu Pakistan u siiyay in kabadan 33 bilyan oo doolar oo deeq ah 15kii sano ee la soo dhaafay, wax aan been iyo khayaano ahaynna kama aanaan helin, iyaga oo u malaynaya in hogaamiyeyaashanadu ay doqomo yihiin,” ayuu Twitterka ku qoray Trump.

Wuxuu intaas ku sii daray “gabaad ayay siiyaan argagixisada aan Afghanistan ku ugaarsanayno, caawimaad yar ayaana ka helnaa” taasina ma sii jiri doonro!”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here