Ciidammada Qaranka Somaliland Oo Dhirbaaxo Ku Dhuftay Ciidamo Ilaalo U Ahaa Wasiir Ka Tirsan Dawladda Soomaaliya Oo Shalay Tagay Degmada Badhan

0
766

Magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Gobolka Badhan ee Somaliland, ayaa waxa Shalay Socdaal ku tagay Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, kaasi oo uu dhalasho ahaan halkaa ka soo jeeda.

Socdaalka uu Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya ku tagay Badhan waxa ka hor-tagay Ciidammada Qaranka Somaliland ee halkaa Fadhiisinka ku leh, waxaana iska Hor-imaad muddo socday dhex maray Ciidammo ilaalo u ah Wasiirka ka socda Dawladda Soomaaliya ee halkaa Safarka ku tagay, waxaana iska hor-imaadkaa ka dhashay khasaare labada dhinac ah.

Ciidammada Qaranka Somaliland oo doonayey inay Magaalada Badhan Xoog kaga saaraan Wasiirka Qorshaynta ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa Dagaalkaa kaga dhaawacmay Hal Askari, halka Ciidammada ilaalada u ahaa Wasiirkana ay Laba Askari ka dhaawacmeen.

Sidaana waxa Wargeyska Himilo u sheegay Maayarka Magaalada Badhan ee Somaliland Cabdalle Maxamuud Cabdi oo Xalay Khadka Telefoonka noogu warramay Xalay isagoo ku sugan Magaalada Badhan.

Maayarka oo ugu horreyn faahfaahin ka bixinaya Socdaalka uu Wasiirka ka socda Dawladda Federaalka Soomaaliya ku tagay Badhan wuxuu yidhi “Wefti ka socda dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii u horreysay yimid magaalada Badhan, weftigani waa Wasiirka Qorshaynta ee dalkaasi Soomaaliya, waana shaqsi dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaankan, waxaanu yimid maanta gelinkii dambe (Shalay) abaarro ilaa 4:00pm”. Maayarku wuxuu faahhfaahiyey Iska hor-imaad dhex maray Ciidammada Qaranka Somaliland ee halkaa ku sugan iyo Ciidamada la socday Wasiirka ka socda Soomaaliya “Ciidammadii Somaliland ee meesha jooga ayaa ka hor tegay, waxaana ka dhashay rabshad  sababtay in rasaas badan la is weydaarsado, oo uu hal Askari kaga dhaawacmo Ciidanka Somaliland, halka uu dhinaca kalena laba nin ka dhaawacmeen, intaasi kadibna Suldaanka iyo Odeyaal badan ayaa dhex galay waanay kala qaboojiyeen, markaa ciidammadii xeradoodii ayaanu ku soo celinay oo xaaladdu wey deggan tahay”.ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray Maayarka oo ka jawaabaya Su’aal laga waydiiyey ujeeddada uu Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya ku tagay Badhan “Waxa uu yimid bay leeyihiin dhismaha waddo laami ah oo ka timaadda xagga barri ee Ceel Daahir, markaa waddadaasi ayaan u sidaa buu leeyahay lacag shan milyan oo dollar ah”.

Maayarka oo la waydiiyey waxa uu ka ogyahay halka uu Wasiirku ka keenay Lacagta intaas leeg ayaa ku jawaabay “…Waxa uu yidhi baa la igu yidhi deeq dawladda Qadar ay siisay Dawladda Soomaaliya ayaan ka soo qaaday oo aan keenay ayuu leeyahay”. Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo faahfaahinaya Cidda dhisaysa Waddada uu sheegay in Wasiirku uu Lacagta u sido “Waddada waxa sameynaya dadka oo isku tashaday, oo waxa dhismaheeda laga soo bilaabay xagga barri ee Ceel Daahir waanay ku soo dhawdahay magaalada, markaa qolada Puntland-na lug wey ku leeyihiin oo waxa bilaabay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli, iyo Isimo, Boqorka iyo Suldaanka dadka deegaankan, balse muddooyinkan danbe waxa dhismaheeda wada dadka shacabka ah.”

Maayirka degmada Badhan ee dalka Somaliland oo Wargeyska Himilo weydiiyey maamul ahaan waxa uga meel yaalla socdaalka Wasiirka ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ku jawaabay “Annaga maamul ahaan waxaanu leenahay ma joogi karo, cid dawladda Soomaaliya ee federaalka ahina halkan wax kasta oo ay tahay, waxay idin siinayaana ha idiin soo dirto,  markaa meelaha way jiraan Cid deegaanka u dhashay ee haddii ay wax bixinayaan ha siiyaan oo haku soo daraan waddada, ileyn waa Nin meesha u dhashay’e, markaa sidaa ayaanu annagu ku siinay odeyaashii iyo Isimadii iyo dadkii hawsha galay, inuu magaalada ka baxo oo uu iska noqdo”.

Ugu dambayntii, Maayirka oo la waydiiyey inuu la kulmay Wasiirka iyo inuu ogyahay inuu wax ogolaansho ka haysto Xukuumadda Somaliland ayaa ku jawaabay “Maya, anigu maan arag oo lamaan kulmin, una maleyn maayo inuu Somaliland ogolaansho laga siiyey oo waa la noo soo sheegi lahaa”.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo Wargeyska Himilo khadka Telefoonka kula xidhiidhay si uu wax uga weydiiyo qorshaha Somaliland uga meel yaalla socdaalka Wasiir ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ku yimid magaalada Badhan oo ka tirsan dalka Somaliland ayaa waxa uu ku gaabsaday “Arintaasi hadda kama hadlayo ee mar kale ayaan ka hadli doonaa..” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Xigasho:- Wargeyska HIMILO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here