Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Somalland Oo Taageeray In Maamulka Puntland Uu La Wareego Gobolka Sanaag

0
692

Xildhibaan cabdiqaadir jaamac Xaamud oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland gaar ahaana ka soo jeeda sanaag bari  ayaa markii ugu horeysay taageero buuxda u muujiyey maamul goboleedka puntland “Puntland Waan Uga Mahad Celinaynaa Mashaariicaha Horimarineed Ee  Ay Ka Hir Galinayso Gobolada Sanaag Bari Waana Ku Amaanaynaa Xukumada Somalilandna Waxaanu Leenahay Ka Qayb Qaata Horumarinta Gobolada Sanaag Bari Ee Uusan Ku Baahin Maamulka .

Shacabka Waa La Kala Kasbanayaa Waxaana Shacbiga Lagu Kala Kasban Karaa Hadba Sida Loogu Dadaalo Ee Looga Horumariyo Arimaha Bulshada Ee Aas Aasiga Ah Oo Ay Kamid Tahay Wadooyinka Sida Hada Puntlandba Ay Ka Wado Deegaanada Bariga Sanaag .

Shacabkuna Way Soo Dhawaynayaan Cid kasta Oo La Timaada Dadaalo lagu Horumarinayo Arimahooda Aas Aasiga Ah Oo Caafimaadka Wax Barashada Biyo Galinaha iyo Wadooyinkuba Ka Mid Yihiin.

Hada Anagu Markaanu Tagno Deegaanada Bariga Oo Khaasatan Aan Anigu Ka Soo Jeedo Waliba Xilayada Kaanbaynka Su,aasha U Horaysa Oo Hadaan Nahay Ka Kulmiye Ahaan na Hortaalaa Waa Maxaad Nooqabateen Oo Aad Cod Nagaga Doonaysaan Waana Arin Ay Xaq U Leeyihiin Waydinteeda Mana Jirto Wax Horumarin Ah Oo Kulmiyihii Hore iyo Kan Hada Cusub Ay Ka Qabteen Deegaanadaa Waloow Kani Cusub Yahayba.    Hadaba Waxaa Muhim Ah In La Xoojiyo Dadaalada Horumarineed Ee Deegaanada Bariga Sanaad Bari Si Ay Meesha Uga Baxdo Su,aashi Ahayd Maxaad Nooqabateen Waana Rajaynayaa In Xukuumada Cusub Ay Bilaabi Doonto Arimaha Mashaariicda Gobolada Sanaag Bari Su,aashaasina Meesha Way Ka Bixi Doontaa Insha Allaah Ayuu Yidhi Xildhibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here