Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Burco Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Soo Faro Galiyo Musuq-Maasuq Xadhkaha Goostay Oo Curyaamiyey Shaqadii Dawladda Hoose Ee Buco

0
672

Xildhibaan C/Risaaq Xusseen Obsiiye (Shiine Faliid) iyo Xildhibaan Siciid Ahmed Raage Oo Kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gobolka Togdheer Oo Maanta Warbaahinta Kula Hadlay Magaalada Burco Ayaa Sheegay In Musuq Maasuqii Ugu Badnaa Abid Ay Burco Ka Sameeyeen Xubnaha Gudiga Fulinta Ee Magaalada Burco . Waxayna Xkuumada Somaliland Ugu Baaqeen In Ay Wax Ka Qabato Musuq Maasuqa Ay Sameeyeen Xubnaha Gudiga Fulintu.  “Gudiga Fulinta Gaar Ahaan Gudoomiye Ku Xigeenka Waanu Ognahay Oo Gudoomiyuhu Wuu Gabay Shaqadiisii  Gudoomiye Ku Xigeen Waxaad magaaladii Ka Abuurtay Khal Khal Aad U Ballaadhan Waxaad Si Sharci Daro Ah U Bixisay Dhulkii Danta Guud  Waxaad Xidhay Wadooyinkii Maantana Waxaad Maraysaa Cashuurihii In Aad Khal Khal Galiso Oo Aadan Ku Soo Darin Miisaaniyadii Cashuurahaas Oo Ah Layn- Laynka Ka Ka Socda Magaalada Tiihire Ee Biyo Balaadhinta

Waxaanu Ku Leenahay Dowladan Cusubi Iminka la xisaabtan Adag Bay La Imaanysaa La xisaabtankaa Cadina Waa Tii Naloo Soo Doortay In Aanu Ka Hadalno Wax Badan Baad Musuq -Maasuq Samayseen Xisaab Celina Maydan Samayn  Magaalada Bilicdeedii iyo Fayo Dhowr Keedu Aadbuu U Liitaa Aadbuu U Hooseeyaa Gaadiidkii Qashinkaa Fadhiya Wasakhdiibaa Taala Xoolihii Lagu Qali Jiray Kawaanka Casriga Ahbaa Laga Daayeey Oo Gudaha magaalada lagu Qalayaa Waxaanu Leenahay Wasiirka Wasaarada Arimaha Arimaha Gudaha Wasiir Nimankani Dowladii Hore Isku Halayn Aad U Wayn Bay Ka Qabeen Maanta Anagu Golahayaga la Xisaabtan Cad Baanu U Baahanahay Waa In Lala Xisaabtaamaa Anagaa Soo Bandhigayna Khaladaad Badanbaa Jira Shacabkiibaa layska Hor Keenay Dadkii Barakacayaasha Ahaabaa Hantidii Loo Diiday Hay,adaha Sama Falku Ku Caawinayeen Dibu Dhac Balaadhan baa Jira Oo Dagmooyinka iyo Gobolada kale Way Naga Horeeyaan Kabkii Loogu Talo Galay In Lagu Fuliyo Mashaariicda Meel Uu Kaga War Hayo Malaha Ayuu Yidhi Xildhibaan Siciid Ahmed Raage

Dhankiisa Xildhibaan C/Risaaq Xusseen Obsiiye Shiine Faliidh Ayaa Naqdiyey In Lacagaha Laga Qaado Laynlaynka Som Cabel Meel La Geeyo Aanay Ka War hayn Oo Ay Ku Dhacdo Uun Gacantooda

“Waxaana Ka War Haynaa In Bahalkan Ladhaho Cabelka Laga Qaaday Lacag Aad U Badan Oo Cashuur Ah Ayna U Ogalaadeen In Dhulka La mariyo . Layn Laynkan Cabelka iyo Wakaaladaha Biyaha Ee magaalada Lacagtooda iyaga Uunbaa Qaada Oo lama Arki Jirin Si Ay iyagu Wax Ulla Qaataan War Ugama Hayno Lakin Waxaanu Qiraynaa In Lacagahaasi Aanay Ku Dhicin Sanduuqa Dadwaynaha Amaba Dowlada Hoosaba . Waxaanu Ugu Baaqayna Xisaabtaa In Ay Keenaan Cabelka Lacagtaana Sanduuqa lagu Soo Xareeyo  Tijaarta Lacagaha Bixiyana Waxaanu Leenahay Lacagta Aad Bixinaysaan Waxay Ku Fiican tahay In Aad Ku Bixisaan Sanduuqa Dowlada Dushiisa iyo Jiiwanka Dowlada Dushiisa Wadankan Idinkaa Leh idinkaa Wax Laydiinku Qabanayaa In Aydan Musuq Maasuqa U Gar- Gaarin Baanu Jecel nahay Tijaarta Waa Wayn Baanu La Hadlaynaa Ee Layn -Laynka Riixaysa Hadyo Jeerna Lacagaha Cashuuraha Bixinaysa Lacagta Aad Bixinaysaan Waa In Aad Qasnada Dowlada Dusheeda Ku Bixisaan Jiwanka Dowladana Ku Bixisaan Hadii Aad Ku Bixisaan Jiiwaan La,aan Waa lacag Aad Qof Siiseene la Socda Maaha Cashuur Aad Bixiseen Lacagta Layn Laynkana Waxaanu Leenahay Hala Soo Xareeyo Buuqa Kale  iyo Arimaha Kale Ee Aan Hagaag Sanayn Ee magaalada  laga Samaynayana Halaga Daayo Xoolahan Gidaarada iyo Xaafada Lagu Qalayana Waxaanu Leenahay Halaga Daayo Oo ha Lageeyo Goobihii Loogu Talo Galay iyo Kawaanka Aanu U Samaynay Inta Sharcigu U Imanayo Nimankan Meesha Jooga Ayuu Yidhi Xildhibaan C/Risaaq Xusseen Obsiiye Shiine Faliid” dhawaaqa xildhibaanada ayaa banaanka soo dhigay musuq-maasuq xadhkaha goostay oo ay la ciir-ciireyso magaaladii burco waxaynaha madaxweynaha ugu baaqeen inuu soo faro galiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here