Mucaaridka Dalka Jabuuti Oo Ka Shawray Inay Ka Qayb Galaan Doorashada Baarlamaanka Iyo Xaaladdo Isdiidan Oo Dhexdooda Yaala

0
810

Mucaaridka dalka Jabuuti ayaa shirar ka yeeshay sidii ay uga qayb gali lahaayeen doorashooyinka baarlamaanka oo dhawaan dalkaasi laga qaban doono. Jaamac Cabdiraxmaan Candhoole oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaridka ayaa ka waramay shirarka ay yeesheen, waxaanu dhaliilay mawqif la,aan uu sheegay inay ka dhex taagan tahay xubnaha mucaaridka ah.   Ugu horayn siyaasi Jaamac Cabdiraxmaan Candhoole oo ka hadlaya shirarkii mucaaridka ayaa waxa uu yidhi “Horta wax rasmi ah oo aan imika kuu sheegi karaa ma jiro, way jirtaa in lays yara arkay laakiin waxaad moodaa in wax badan laysla fahmi waayey, kala daadsani ayaan anigu arkayaa wakhtigiina wuu is gurayaa, doorashadiina wax  yar ayaa ka hadhay, maantana hadaan mawqif cad meel laysla taagin waxaan u malaynayaa in rajadu aad u gaaban tahay.”ayuu yidhi Siyaasi Candhoole oo u waramay VOA.

Siyaasi Candhoole oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanay jirin mucaarid midaysan waxaanu yidhi “Nin waliba meeshiisa ayuu fadhiyaa, waanay jiraan qaar isku yara urursan laakiin hadana kala tagaya,  qolo sanad ka hor isku tagay ayaa hadana kala baxay, mucaaridkana dhibaatada haysataa waa taas, waxaanad moodaa in marka hore aan si sal banaan loo heshiin marka wax soo dhawaadaana waa la kala yaacayaa, nasiib daraduna waa taas ee yaan waxba dadka eed la saarin laakiin arintu waa mid mucaaridka gudihiisa ka jirta.”

Siyaasi Candhoole oo ka hadlaya wararka sheegaya in dawladu gacanta kula jirto siyaasiyiinta mucaaridka ah ayaa waxa uu yidhi “Waxa la yidhi fule xantii ma mooga, umadu waxay leedahay gacan ayaa lagula jiraa mucaaridka ragna waxaaba la leeyahay way u shaqeeyaan dawlada aniga oo aan cidna farta ku fiiqayn, soomaaliduna hore ayey u tidhi macal cune muuqan doone, saansaanta waxaad moodaa in warkan ay umadu sheegayso ay wax ka jiraan laakiin wax rasmi ah oo la taaban karo anigu imika ma hayo, waxna ay iska soo bixi, wuxuna waa wax gaaban oo nin waliba waa halka uu bari ku dambeeyo, laakiin waxa nasiib daro ah masuuliyada ay umadu dhabarka u saartay mucaaridka iyo sida ay u cago jiidayaan ayaa kaaf iyo kala dheeri ah.”

Ugu dambayn siyaasi Jaamac Cabdiraxmaan Candhoole ayaa sheegay in la kala jiidanayo bulshada taas oo keenaysa in dawladu gacanta la gasho mucaaridka, halka mucaaridkuna dhinacooda ay dadka ka soo jiidanayaan dadka waxaanu yidhi “Dawladu inay fara gelin nagu hayso xaq ayey u leedahay waayo waxa la kala jiidanayaa umad, nin walbana waxa uu doonayaa inuu kasbado qofka ay dadku la socdaan oo uu soo dhawaysato oo uu ka soo jaro  anagana hawshayadu waxay tahay inaanu kuwa dawlada la socda ka soo goosano, markaa maanta waxaan leeyahay hawshii mucaaridku gaabis ayey tahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here