Ciidamada Ilaalada Waddooyinka Hargeysa Oo La Kordhiyey Maanta. Gobolada Kale Ee Dalka Ma Ka Shaqeeyaan Ciidamo Ilaalo Waddooyin?

0
1246

Qoryaalenews(Hargeysa):- Subaxnimadii hore ee saaka waxa shacabka magaalada Hargeysa ku waa’ bariisteen iyada oo jidadka hal bawlaha ee magaalada ay tubban yihiin ciidamada ilaalada waddooyinka oo ka badan kuwii hore loogu arki jirey. Ciidamadan ilaalada wadooyinka ayaa intooda badan baadhaayey gaadiidka kala duwan ee dhex socda magaalada Hargeysa iyada oo wadayaasha gawaadhidana ay weydiinayeen liiskan darawalnimo iyo buugga gaadhiga.

Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Gaashaanle Sarre: Faysal Xiis Cilmi oo la hadley mid kamida warfidiyeenada guddaha waxa uu sheegay in ujeedada ugu weyn ee ay u kordhiyeen ciidamada ilaalada wadooyinku ay tahay sugida amniga gudaha. Sidoo kale taliyuhu waxa uu sheegay in taliaya boolisku uu u soo beddelay ciidan cusub oo la shaqeyn doona taasina ay keentay in ay korodho ciidamadii ilaalin jirey jidadka magaalada Hargeysa.

“Hawl-galkani waa mid soconaya, ciidankaasina waa kuwo shaqeynaya, waanna la arki doonaa waa ciidan farro badan oo la noo soo beddelay oo booliska ah, oo nala shaqeynaya waanad arki doontaan wadooyinka wax  badan ayaa iska beddeli doona..” ayu yidhi Faysal Xiis.

Haddaba maalmihii u danbeeyey waxa cidhiidhi badani ka jireen jidadka waaweyn ee dhex mara magaalada Hargeysa iyada oo mararka qaar ay sababi jirtey in uu guud ahaanba istaago isku socodka gaadiidka magaalada Hargeysa. Gadiidleyda magaalada Hargeysa ayaa qaarkood hore cabasho ballaadhan uga muujiyeen cidhiidhiga badan ee ka jira waddooyinka magaalada Hargeysa.

Somaliland ma aha oo keliya Hargeysa! Ciidamada ilaalada wadooyinkuna looma carbin oo qudha in ay ka shaqeeyaan wadooyinka magaalada Hargeysa. Suaashu waxay tahay gobolada kale ee Somaliland ma leeyihiin ciidan ilaalo wadooyin oo ku filan isla markaasina maka hawl galaan?

Shabakadda Qoryaale oo qaar kamida gobolada Somaliland xidhiidh la sameysay waxa loo xaqiiqiyey in aanay si buuxda u hawl gelin ciidamda ilaalada wadooyinku, halka gobolada qaarkoodna aanan maalmaha qaar laguba arkinba ciidan ilaalo wadooyin oo shaqeynaya.

Arrintan ayaa caqab weyn ku noqon doonta taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka Somaliland Faysal Xiis taasi oo keenaysa in wax qabadka ciidanka ilaalada waddooyinku uu ku koobmey oo qudha magaalada Hargeysa.

Qoryaalenews – Hargeysa Desk 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here