Ururuka Caafimaadka Adduunka oo Qabatinka Video Games-ka u Aqoonsaday Cudur

0
972

Qoryaalenews(Muqdisho):-

Ururka caafimaadka Adduunka ee W.H.O ayaa u aqoonsaday cudur maskaxeed qabatinka Video Games-ka computer-ka online ahaw ama offline’e, waa sida uu ku dhawaaqay afhayeen u hadlay ururkaasi.

Afhayeenka oo la yiraahdo Tariq Jassarovich ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in khatarta ku sugan video Games-ka in lagu dari doono liiska 11aad ee cudurrada adduunka kaas oo soo bixi doona June, 2018.

Liiska cusub ee cudurrada ayaa ah mid laga soo uruuriyay natiijooyin ay gaareen khubarada caafimaad  adduunka.

Dr Richard Graham oo ku takhasusay qabatinka teknoolajiyadda ee isbitaalka Nightingale Hospital ee  magaalada London ayaaa soo dhawaeeyay go’aanka ururka caafimaadka adduunku uu ku gaaray in qabatinka Video Games-ka lagu daro liiska cudurrada ee in la iska daaweeyo u baahan.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waa arrin muhiim ah, maxaayeelay waxay abuureysaa fursad ay dadku ku helaan adeegyo heersare ah, waa arrin naga dhigaysa inaan wadadii saxda ahayd cagta saarnay.”, mar uu tilmaamayay in dadka loo fidin doono adeegyo muhiim ah oo ay qabatinka iskaga xadidaan si aanuu noloshooda caadiga ah ee waxbarasho iyo dhaqaale u saameyn.

In kasta oo ay jirto inaan la hayn tirakoobyo sax ah oo ku saabsan heerka khatarta qabatinka video Games-ka, ayaa hadana khubaradu ay isku raacsan yihiin in arrintani noqotay mushkilad dhab ah oo dunidu ay waajahayso, in lagu soo daro liiska cudurada sanadkan 2018 ay tahay tallaabo horey loo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here