Ku Dhawaan 11 Dhaxal Suge Oo Dawladda Sucuudiga Maanta Xabsiga U Taxaabtey + Maxay Yihiin Denbiyada Loo Haysto

0
804

Qoryaalenews(Sucuudiga):- Wararka ka imanaya Dalka Sucuudiga waxaa ay sheegayaan in maanta oo sabti ah xasbiga la dhigay 11 Dhaxal suge kaddib markii ay gedood ka keeneen hanaanka isbeddelka dhaqaalaha dalkaas.

Dhaxal sugayaasha ayaa waxaa ay cabasho ka dhigayeen dib u habeynta dhaqaalaha oo saameyn taban ku yeelaneysa ganacsigooda.

Waxyaabaha ay ka gedoodeen waxaa ka mid ah canshuurka la saaro dulsaarka,in dowladdu joojiso lacagaha kharashaadka ah ee ay ka qaadeyso dadka adeegsada biyaha iyo Korontada Dowladda iyo waxyaabaha la midka ah.

Sida uu qoray Website-ka Sabq, Amiirradan ka tirsan boqortooyada Sucuudiga ayaa lagu xiray Xabsiga Ha’ir ee koofurta Magaalada Riyaadh.

Xabsigan waa mid aad loo ilaaliyo,waxaana sidoo kale horay loogu xir xiray ganacsato,dhaxalsugayaal,wasiirro iyo maalqabeenno kale oo dhaxalsugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan uu musuqa ku bartilmaameedsanayay.

Maanta oo sabti ah wareegto ka soo baxday xafiiska Boqorka Sucuudiga, boqor Salmaan; waxaa uu ku sheegay in qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha dowladda uu bil kasta qaadanayo $267 doollar oo gunno ah,halka Milatariga Sucuudiga ee howlgalka uga jira Yemen ay bishii qaadan doonaan $1,000 doollar oo gunno ah,waxaana ay ka billaabaneysaa sanadka soo socda ee 2019ka.

Heerka shaqo la’aanta Sucuudiga ayaa gaaray 12%,waxaana dowladda oo markii hore ku tiirsaneyd shidaalka ay hadda dooneysaa in ay u wareegto ilo kale oo dhaqaalaha laga sameyn karo sida dalxiiska iyo maalgashiga dibadda.

Qoryaalenews – Muqdisho Desk 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here