Tayo La’aanta Saxaafadda Somaliland Oo Korodhey Iyo Tebiyayaal Tirro Beelay?

0
982

Mihnada saaxaafadda ah oo ah mid sal ballaadhan oo maanta jaamacaddo looga baxo ayaa ah mihnaddaha dunnida ugu saameynta badan. Dunnidan casriga ah ayaa ay la jaanqaadeysaa warbaahinta dunnida. Soomaalida marka loo eego waayadii hore iyo maanta waxa ku yimid isbeddel weyn. Maalinba maalinta ka danbeysa waxa soo kordhaya warbaahinno kala duwan oo ka warrama arrimaha soomaalida.

Mihnadda saxaafadda ayaa ah mid xeerer iyo shuruuc kala duwan leh oo looga baahan yahay qofka weriyaha ah in dabaqqo. Marka aynu haddaba u nimaadno saxaafadda Somaliland muddooyinki u danbeeyey waxa ku soo kordhaayey weriyaal kala duwan oo ka shaqeynaayey tebinta iyo gudbinta wararka guddaha iyo dibadda, waa horumar se waxay is weydiintu tahay saxaafadda Somaliland ma tahay sidii laga sugaayey? Weriyayaasha ka hawl galaa ma yihiin kuwii ku habboonaa maanta in ay bulshada u soo gudbiyaan dhacdo maalmeedka iyo warbixinnada khuseeya iyaga?

Su’aalahan jawaabahoodu waa maya. Saxaafadda Somaliland maanta waxay mareysaa halkii ugu hooseyeysay kadib markii ay tayo beeshay tababaradii iyo kor u qaadisti mihnadda saxaafaddu. Weriyaasha Somaliland ka hawl gala dhammaantood waxay mihnaddoodii ku eekaatay daba galka wararka siyaasiga iyada oo meesha ka baxdey u adeeggista bulshadii.

Weriyaha Somaliland maanta waxa ku gedmaan caqabaddo kala duwan taasi oo sababtay in uu mararka qaar ka tallaabsado shuruucdii ay lahayd saxaafaddu.  Saxaafadda Somaliland maanta tao la’aanta hasata waata sababtey in uu weriyuhu baadhis rasmiya ku sameyn waayo musuqmaasuqa baahsan ee ay ku kacaan masuulintina dawladdu. Haddii la rabbo in uu bulshadan u soo baxo weriye tayo leh oo bulashadan u adeego waxa muhiim ah in la saameeyo tababarro muhiim ah oo ay wasaaradda warfaafinta Somaliland xogga saartaa sidii ay u tayey lehadey xirfada weriyaha waddanka ka hawl gala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here