Kalluumaysato Ka Hadlay Wareegto Uu Wasiirka Xanaannada Xooluhu Ku Mamnuucay Nooc Ka Mid Ah Kalluunka

0
452

Qaar ka mid ah Kalluumaysatada Reer Berbera, ayaa ka hadlay siday u arkaan Go’aan uu Wasiirka cusub ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumaysigu uu ku joojiyey in Badda Somaliland laga ugaadhsado Kalluunka loo yaqaanno Indho-tooshlaha, kaasi oo uu sheegay in Dawladaha Adduunka oo dhami Mabnuuceen.

Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa 13-kii bishan January waxa uu hadal uu u jeediyey Mudaneyaasha Golaha Wakiillada wuxuu ku sheegay inay Mabnuuceen Kalluumaysiga kalluunka loo yaqaanno Indho-tooshlaha “Wareegto  aanu soo saarnay waxaanu ku joojinay in la ugaadhsado kalluun Libaax yar ah oo ay Kalluumaysatadu ula baxeen ‘Indho tooshle’ oo beerkiisa la shiilo, kaasi oo Badihii kale laga Mabnuucay Ugaadhsigiisa, Maantana Xeebaheena la iskugu soo biyo shubtay, si Xaad-dhaaf ahna loo Ugaadhsado, markaa waxaanu soo saarnay Wareegto ah in wixii ka dambeeya bisha 15-keeda aan la ogolayn in laga ugaadhsado..”ayuu Wasiirku yidhi, 13-kii bishan.

Laakiin, qaar ka mid ah Kalluumaysatada reer Berbera oo Warbaahintu waydiisay siday u arkaan go’aanka lagu Mabnuucay Kalluumaysiga Indho-tooshlaha ayaa sheegay inay ka xun yihiin isla-markaana u arkaan mid caqabad ku ah noloshooda, maaddaama oo wixii ay badda ka soo kalluumaystaan ku maareeyaan Noloshooda.

Mid ka mid ah Kalluumaysatada reer Berbera oo dareenkiisa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dadka reer Somaliland waxa lagu dhiirigeliyaa inay ka shaqeystaan Dalkooda oo ay khayraadkooda la soo baxaan, Badduna waxay ka mid tahay Khayraadka dihin, markaa in ka badan Shan oo Qof ayaa waxay u dareeraan Kalluumaysiga iyo Kalluunka Indho tooshlaha, iyagoo ku maaraynaya noloshooda, markaa Maanta in Xukuumaddu Mabnuucdo lagama filayn, Sababta oo ah Bulshadii Somaliland way Tahriibtay iyadoo ka cabanaysa shaqo la’aanta baahsan, intii shaqada heshay ee khayraadka waddanka ka faa’idaysanaysay marka Wasiirkii ku dhawaaqo waa la joojiyey, taasi waxay niyad-jab ku keenaysaa dhallinyaradii ka shaqayneysay…”

Mid kale oo ka mid ah Kalluumaysata ayaa yidhi “Berigii hore Kalluunka Indho-tooshlaha maanu moodayn inuu Nacfi leeyahay oo waanu daadin jirnay, imika ayay shirkad nagu tidhi waanu idinka iibsanaynaa, markaa Wasiirka waxaanu leenahay Xayiraadda ka qaad Kalluunka Indho-tooshlaha.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here