Xukuumadda Oo Raadinaysa Hab Dawladda Sucuudigu Aqoonsan Tahay Oo Muwaadiniinta Somaliland Ku Tagaan XAJKA

0
451

– Dawladda Somaliland ayaa wadda dedaal ay ku doonayso in Boqortooyada Sucuudigu ictiraafto Baasaaboorka Somaliland, si Muwaadiniinteeda ay ugu fududaato soo gudashada Waajibaadka Xajka.

Muwaadiniinta reer Somaliland ayaa marka ay Xajka tagayaan waxay adeegsadaan Baasaaboorro kala duwan, sida baasaaboorka Dalka Soomaaliya maaddaama oo aan Sucuudigu aqoonsanayn Baasaaboorka Somaliland, laakiin Xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa wadda qorshe Muwaadiniintu kaga maarmi karaan Baasaaboorrada Dalalka kale.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo Xog-warran siiyey guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “in badan baanu ka dedaalnay in (Sucuudigu) Baasaaboorkeena inoo ictiraafaan ama Waraaqo gaar ah (oo lagu soo Xajo), welina hawshaa waanu wadnaa, Sanad aan laga hadalna way yar tahay”

Wasiir Khaliil wuxuu sheegay in 120 Maalmood ee ugu horreeya Xukuumadda cusub ay doonayaan inay hirgeliyaan Qorshe Dadka reer Somaliland ku Xaji karaan “120 maalmood ee ugu horreeya (Xukuumadda cusub) waxa Wasaaraddu ay baadhaysaa waa sidii loo heli lahaa Duruuf gaar ah oo aynu innagu ku xajino, maaddaama oo aan Baasaaboorkeena la aqoonsanayn, Madaxweyne Muuse Biixi-na waanu ka wada-hadalnay oo qorshe ayaa nooga yaalla, markaa haddii qorshahaasi noo hirgalana way noo hirgashay, hadday noo hirgeli waydana Qorsheyaal kale ayaanu idiinla iman doonaa (Golaha Guurtida).”ayuu Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu u sheegay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu Xog-warran ka siiyey shaqada Wasaaraddiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here