Madaxweynaha Dalka Jabuuti Muxuu Ka Yidhi Muuse Biixi Cabdi

0
785

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay booqashadii uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku tagay Dalkiisa iyo waxyaabihii ay ka wada-hadleen.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Wareysi uu siiyey Telefiishanka Universal lagu waydiiyey waxyaabihii ay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland markii uu booqashadu ku tagay Jabuuti, ayaa sheegay inay ka wada-hadleen sidii wixii ka dhexeeya u wada qabsan lahaayeen ee ay isku kaashan lahaayeen.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha cusub ee Somaliland ku koray Jabuuti, waxaanu yidhi “Isagu (Madaxweynaha Somaliland) waa Nin ku koray Jabuuti oo Halgamaa ahaan jiray oo Jiiddana yaqaana, Waddankana (Somaliland) aan ka bixin oo si fiican u fahmaya.”

Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay inay Madaxweynaha Somaliland ka wada-hadleen inay wax wada qabsadaan “Niyad-samidiisa iyo dedaalka uu doonayo inuu galo ayaanu is tusnay inaanu la shaqayno oo wixii aanu wada qabsan karayno aanu wada qabsanno.” Ayuu yidhi.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jabuuti iyo Xukuumaddiisa ayaa soo dhaweyn wanaagsan u sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo Safarkiisii koowaad ee uu Dalka dibeddiisa ugu baxay ku tagay Dalka Jabuuti, markii Xilka Madaxweyne-nimo ee Somaliland loo doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here