Dagaalyahanno 12 Saacadood Xoog Ku Haystay Huteel Ku Yaalla Caasimadda Afganistaan

0
575

Ciidammada ammaanka ee waddanka Afghanistan ayaa soo gebagabeeyay weerrar socday 12 saacadood oo rag hubeysan ay ku galeen hoteel nooca lagu raaxaysto ah oo ku yaal gudaha magaalada caasimadda ah ee Kabul, waxaa sidaas sheegay ciidammada ammaanka Shalay.

Lix qof oo rayid ah oo ay ku jirto haweeney ajanabi ah ayaa ku dhintay hoteelka Intercontinental ee Kabul, waxaa kalw oo goobta ku dhintay saddexda qof ee weerrarka soo qaadday, wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidaasi sheegtay.

Ilaa iyo 160 qof ayaa la soo badbaadiyay kaddib markii ciidammada Afghanistan ay habeen hore oo dhan u dagaalamayeen sidii ay dhismahaasi gacantooda dib ugu soo celin lahaayeen.

Su’aalo ayaa la waydiiyay sida raggaasi sida xooggan u hubaysan ay ugu suuragashay inay galaan gudaha hoteelkan sida weyn loo ilaaliyo.

Hoteelka Intercontinental oo ka mid ah hoteelada ugu caansan dalkaasi ayaa ku yaalla goob taariikhi ah, waxaanu aad uga dhex muuqdaa dhismayaal kale ee ku yaalla caasimadda.

Hoteelkan ayaa ah mid aad loo ilaaliyo, waxaana uu leeyahay bar koontarool oo dhowr ah. Ilaa iyo haddana ma cadda sida ay raggani dableyda ah ugu suurtagashay inay gudaha u galaan.

Hoteelkan ayaa toddobo sano ka hor waxaa weerar kan la mid ah ku qaaday mintidiinta Taalibaan, kuwaasi muddo shan saacadood ah ay ciidamada ammaanka kula dagaalamayay gudaha hoteelka, ka hor inta aan la dilin, waxaana halkaasi ku dhintay dad ka badan labaatan qof.

Hoteelkan Intercontinental ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay ka turjumayay kobaca dhaqalaaha ee dalkaasi. Waxaa albaabada loo furay muddo haatan laga joogo in kabadan nus qarni.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here