Abaar Ku Dhufatay Deegaanno Ka Mid Ah Gobolka Awdal Iyo Farriinta Guddoomiyaha Hay’adda U Diyaar-garowga Aafooyinka

0
578

Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheekh, ayaa ka hadlay Xaalad Abaareed oo ka soo Cusboonaatay deegaano ka mid ah Gobollada Galbeedka Somaliland, gaar ahaan Gobolka Awdal.

Guddoomiye Faysal Cali Sheekh oo isaga iyo Wefti uu Hoggaaminayey ay kormeer ku soo mareen deegaanno ay ka mid tahay degmada Lughaya ee Gobolka Awdal, ayaa markii ay ka soo noqdeen sheegay inay halkaa ku soo arkeen Abaar gaadhsiisan in Xooluhu bilaabeen inay dhintaan, sidaasi darteedna loo baahan yahay in la isku kaashado sidii Dadkaa loogu gurman lahaa.

Guddoomiyaha u diyaar-garowga Aafooyinka iyo Kaydka Qaranka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu kormeer ku soo marmay meelihii dhawaaqa xooggani ka yimid ee Abaartu ka bilaabantay oo ah Lughaya iyo Nawaaxigeeda ah, gaar ahaan dhinaca Xeebta oo Abaaro ka jiraan. Waxaanu soo aragnay Xoolihii oo dhimanaya, Xanuuno uu ku jiro, Dadkiina ay diifaysan yihiin, meelaha qaarkoodna ay Biyuhu yar yihiin, sida meesha la yidhaahdo Hadayta oo Ceelkii ka xumaaday, meelo badana ay jiraan Dad soo baro-kacay.”

Guddoomiye Faysal waxa kale oo uu sheegay  “Markaa waxaanu si hor-dhac ah ugu baaqaynaa Cid kasta oo Gacan ka geysan karta, Hay’ad ha noqoto, Dawlad ha noqoto ama Shacabka Somaliland oo isku tashan jiray ha noqotee inay Dadkaa kaalmo la gaadhaan.”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha ayaa Shirka jaraa’id qabtay markii uu dhamaaday Shir uu iskugu yeedhay Hay’adaha gargaarka, kaasi oo ay kaga wada-hadleen Abaarta.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here