Wasiirka wasaaradda caddaaladda JSL Md. Cabdiqani Maxamud Cateeye ayaa maanta la wareegay Komishinkii hore ee dib u habaynta shuruucda iyo Gudiddi Baadhista Xasuuqa oo uu madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland hoos keenay Wasaaradda Caddaaladda Somaliland

0
539

Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda caddaaladda JSL Md. Cabdiqani Maxamud Cateeye ayaa manta la wareegay Komishinkii hore Dib u habaynta Shuruucda iyo Gudiddi Baadhista Xasuuqa  ee uu dhawan hoos keenay Xeer nidaamyeedkii madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo saaray,

Xafladan xil wareejinta oo saaka ka dhacday hoolka shirarka wasaaradda caddaaladda ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda iyo gudoomiyaashii labadaas komishin, agaasime guud ee wasaaradda caddaladda, qaar kamida agaasime waaxeedyada iyo shaqale waynaha wasaaradda

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda caddaaladda JSL Md. Jaamac Axmed Cabdiraxmaan waxaa uu kal iyo laab kusoo dhaweeyay labadan komishin iyo shaqalahooda wuxuuna ku amaanay inay gudidaas labadaa komishin wax badan qarankan usoo qabteen,

Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay  Gudoomiyaha Gudidda baadhista Xasuuqa Md. Khadar Axmed Like iyo Gudoomiyaha gudida Dibu u habaynta shuruucda dalka Md. Hassan aw Adan Cabdi, waxay balan qadeen labada gudoomiye inay maanta laga bilaabo xilkii iyo shaqadii ku wareejiyeen Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda una hogaansamayaan amarka madaxwaynaha uu ku hoos geeyay wasaaradda waxayna balan qadeen inay si niyad sami leh ula shaqayn donaan wasaaradda caddaaladda

Ugu danbayn waxaa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda caddaaladda somaliland Md. Cabdiqani maxamud Cateeye wuxuu soo dhaweeyay labadan komishin “ waan idin soo dhawaynaynaa maanta laga bilaabo labadii komishin ee hore waxay kamid noqon donaan Waaxyo ka tirsan wasaaradda Caddaaladda waxayna noqon donaan laba waxood oo muhiim u ah wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here