Golaha Wakiillada Oo Loo Gudbiyey Mooshin Lagu Dalbanayo In Hoos Loo Dhigo Tirada Xildhibaannada Xilka ka Qaadi Kara Maayarrada Magaalooyinka Dalka

0
1065

Shir-Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay loo gudbiyey Mooshin la doonayo in wax lagaga beddelo Xeerka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka, gaar ahaan qodobbada khuseeya Tirada Xildhibaannada Goleyaasha deegaanku Xilka kaga qaadi karaan Maayarrada.

Mooshinkan oo ay Saxeexeen 23 Xildhibaan ayaa waxa in Golaha loo soo gudbiyey Mudaneyaasha Wakiillada ku War-geliyey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Baashe Maxamed Faarax oo Shir-guddoominayey Fadhigii Shalay ee Golahaasi, waxaanu yidhi “Waxa Golaha la horkeenay Mooshin ku saabsan Wax ka beddelka Xeerka 23/2002, kaasi oo ku saabsan in wax laga beddelo xil ka qaadista Maayarka iyo Maayar ku-xigeennada Dawladaha Hoose ee Dalka, tirade (Xil ka qaadista) oo ahayd Saddexdii meeloodba laba Meelood in loo beddelo Hal Dheeri.”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Mudaneyaasha Wakiillada ee Mooshinkan Saxeexay oo isaguna Warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada ay Xilligan u soo gudbiyeen Mooshinka ay ku dalbanayaan in Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu wax ka beddel ku sameeyaan xeerka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Dalka, waxaanu yidhi  “Mooshinkan waxa soo gudbiyey 23 Xildhibaan, waxa jira Xeer la yidhaahdo Xeer Lambar 23/2002 oo Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Khuseeya, Xeerkaasi wuxuu ka hadlayaa Shaqada Badhasaabbada, Shaqada Dawladaha Hoose, Maayarrada, waxa iyaduna jirtay Habka Maayarrada Xilka looga qaadayo. Xeerku berigii hore wuxuu ku soo baxay Hal Dheeri, Hal dheeri Macnihiisu waxa weeyaan, Tusaale ahaan Golaha Deegaanka Gabiley tiradoodu waa 21 Xubnood, kooramkoodu waa 11 Xildhibaan, Kooramkaasi hadduu fadhiisto Lix Xildhibaan ayaa ridi karaysay Maayarka, dabadeedna Goleyaashii Deegaanka ayaa waashay oo Gabiley oo kale 15 Maayar ayay rideen, Burco-na waxay rideen Lix Maayar, Berbera Afar Maayar ayay rideen, markaa ayaa Golaha Wakiilladu wax ka beddelay Xeerka waxaanu ka dhigay halkii Lix Xildhibaan ay Maayarka ridayeen inay Ridi karaan 14 Xildhibaan, laakiin Arrintaasi waxay Maayarkii ka dhigtay Nin Madaxweyne ah oo awooddii ku tagri fala, Nin sida uu doono yeela, Waayo? Xildhibaannadii ayuun buu marka Saddex loo qaybiyo qayb qabsanayaa, Tusaale ahaan 21-kii Xildhibaan ee Gabiley ama Berbera 7 ka mid ah ayuun buu la saaxiibbayaa, oo uu Tusaale ahaan odhanayaa Guddiga Dhulka ahaada, Dabadeedna 14-kii kalena gidaarrada ayay ka soo go’ayaan, markaas waa loo taag waayay Maayarradii.”

Xildhibaan Siciid waxa kale oo uu sheegay “Markaa waxa dhalatay Dawlad cusub iyo Madaxweyne wax saxaya, markaa in lala jaan-qaado weeye, markaa waxaanu ku soo celinay (Xeerka 23/2002), markaa waxaanu ka dhignay kala badh iyo Hal (in Maayarrada Xilka lagaga qaadi karo), markaa (sidaanu soo jeedinay) Maayarrada waxa ridaya 11 Xildhibaan…”ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here