Dhimasho & Dhaawac ka Dhashay Dagaal Laba Beelood Ku Dhex Maray Gobolka Sanaag, Madaxweynaha Oo Baaq U Diray Iyo Wararkii U Dambeeyay

0
1134

Gelinkii hore ee Shalay waxa Tuulada Dararweyne oo ka mid ah degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ka dhacay Dagaal u dhexeeya Laba Maleeshiyo oo ka soo kala jeeda laba Beelood oo halkaa wada dega.

Dagaalkan oo gelinkii dambe ee Shalay joogsaday markii Ciidammada Qaranku kala dhex galeen, ayaa la sheegay inuu bilaabmay, ka dib markii nin lagu dilay gudaha Tuulada Dararweyne, taasi sababtay in Beesha uu Ninkaasi ka soo jeedo ay weerar ku qaadaan Beesha kale, iyaga doonaya inay aar-gudasho sameeyaan.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Cabdi Falay ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Maamul ahaan ay gaadheen halka Dagaalku ka dhacay isla-markaana Xaaladdu deggan tahay, balse kama hadal khasaaraha uu Dagaalkaasi sababay ee soo kala gaadhay labada Maleeshiyo beeleed, hasa-ahaatee Qof ku sugan deegaanka Dararweyne ayaa Xalay Telefiishanka SAAB u sheegay in Dagaalkaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba ah, kaasi oo gaadhsiisan illaa 30 Qof marka la isku daro dhimashada iyo dhaawaca.

Dagaalkan oo daba socda Dagaallo hore u dhex maray labada Beelood ee halkaa wada dega, ayaa waxa Xalay baaq nabadeed ka soo saaray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaanu u soo jeediyey Beelaha Dagaalku dhex maray inay ILAAHAY ka cabsadaan oo ay Colaadda joojiyaan.

Baaqa nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Waxa aan ugu baaqayaa beelaha ku dagaalaya degaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Darar-weyne inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda soo noq-noqonaysa ee dhex taalla labada beelood ee walaalaha ah. Mar labaad iyo mar saddexaadba waxaan idinku baaqayaa inaad colaadda damisaan oo aad Alle ka cabsataan, hoosna u eegtaan dhiiga bilaa micnaha aad u daadinaysaan ee aad agoomaha iyo goblanka kaga dhigaysaan hooyooyinka iyo Carruurta, sideedaba dagaal wiil kuma dhasho ee wiilbaa ku dhinta. Dilka iyo dhiiga micno darada ku daadanayaana dadkeena kama go’o, ee wixii is maandhaaf ah  ee jira waa in lagu dhammeeyaa is afgarad lanna tixgeliyaa nabadgelyada, is xaqdhawrka derisnimo ee wada noolaanshaha iyo degenaanshaha leh.

Sidoo kale waxaan madaxda dhaqanka ee labada dhinac ugu baaqayaa inay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-galaan daminta colaaddaasi, una hoggaansamaan ciidamada amniga ee ku hawlan arrintaasi garab buuxana ku siiyaan sidii dagaalkaasi loo joojin lahaa.

Ugu danbayn waxaan tacsi u dirayaa dhamaanba ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, inta dhaawaca ahna waxaan Alle uga baryayaa caafimaad taama inuu siiyo. Waxaanan ku celinayaa baaqaygaasi nabadgelyada ah in loo hoggaansamo lanna joojiyo colaadda, anigoo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka iyo cid kasta oo u faro dhuudhuuban arrintaasina faraya inay ka hawlgalaan sidii loo xakamayn lahaa colaaddaasi ee loo joojin lahaa sida ugu dhakhsaha badan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here