Sucuudiga: Macalin Ku Hor Dhintay Ardaydiisii Xilli Uu Xiisad Ku Jiray !

0
793

Macalin ka tirsanaa bahda waxbarashada ee Dalka Sucuudiga gaar ahaan Magaalada Namaas ee Dalkaasi ayaa waxa uu si lama filaan ah ugu hor geeriyooday ardaydiisii.

Macalinka ayaa waxa uu ahaa macalinka Xiisada Ciyaaraha ee Dugsiga Qurduba ee ku yaalla magaalada Namaas ee Dalkaasi.

Macalinkan ayaa waxa magaciisa la odhan jiray Cabdallah Bin Cali Bin Mufrix oo ay da’diisu ahayd 50 jir ayaa waxa uu geeriyooday xilli uu ardaydiisa siinayay xiisad ciyaaraha.

Geerida macalinkaasi ayaa waxay argagax galisay ardayda, maadaama oo ay yihiin dad islaam ah oo aaminsan in qof kastaaba saacada uu Ilaahay oofsado uu Adduunkan ka tegayo, waxaanay tacsiyadeeyeen qoyskii uu ka baxay macalinkoodii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here