“Diyaar Umanihin Inaanu U jawaabno Dadka Albaabada Sharka Garaacaya” Boqor Cisman Buurmadaw

0
787

Boqor Osman Aw Maxamud Buurmadaw Ayaa Ugu Baaqay Beelaha Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhexmartay Degaanka Dararweyne Inay Ilaashadaan nabada Waxaana Uu Boqorku Fariimo Udiray Cidkasta Oo Ka Shaqaynaysa Xumaanta Iyo Isku Dirka Umadaa Walaalaha Ah Waxaana Uu Yidhi.

“ Waxaan aad iyo aad uga xumahay dhibaatada ka dhacday darar-weyne marka hore waxa dhiilada warkeedu isoo gaadhay aniga oo ku sugan kabcada xaramka ilaahay waxaan kabaryayaa ummada ehelka ah in uu quluubtooda isusoo jeediyo anaga ka waayeel ahaan beelaha nabad iyo wacad iyo dhaar baanu uqaadnay xeer iyo boon adag na waanu dhex-dhignay balantuna waxay ahayd in cida jebisa sharciga la horkeeno cid kajawaabtaana aanay jirin godob tuna ku koobnaato wixii geysta fidno sharcigaana waanu kufulinay cidii jebisay oo kii ugu horeeyey waanu soo qabanay boonkiina waa lagu bixiyey dadka fidnada danbe iminka keenay waxay ahayd in wadadii lagu heshiiyey lamariyo mana ahayn in dibdanbe aargoosi udhaco wadadii lagagud bay na lagunoqdo hadaba mawqifka aanu kataaganahay wax weeye in lafuliyo heshiiskii nabada anaga waayeel ahaan halkaas baanu kataagantahay wixii dhacayna cidwalba inay kagarawdo khaladkeeda dariiqa xaqana lagusoo noqdo xukuumada waanu uga mahadcelinaynaa talaabada aykaqaaday. Waanuna kula shaqaynaynaa amaan ka iyo nabadgelyada waxaan qirayaa wakhtigii aanu ka shaqaynaynay nabadgelyadii saladiintii iyo waayerlkii beelaha garxajis iyo habarjelo doorkii shariifka ahaa ay kaqaateen anigana iyo waxgaradka beeshu dededaalkii. Aanu ka galay iyagaa markhaati ka ahaa run ahaantii doorashadii dhamaatay xanafteedii iyo arinka nabadgelyada ee ehelkayaga anagu iskuma khaldayno midwalba boogihiisa. In gaar loo dhayo bay ubaahantahay. Ilaahay xaqa hanafahansiiyo cidwalba oo baaqnabadeed soo jeedisay waan u mahadnaqayaa waanuna soo dhowaynaynaa waana inloo hogaansamo cidii samaha katalinaysa diyaar umanihin inaanu ujawaabno dadka albaabada sharka garaacaya ”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here