Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Dood U Furay Bulshada Afka Soomaaliga Ku Hadasha

0
760

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(Jawaan) oo ka mid ah salaadiinta somaliland ayaa dood u furay bulshada afka soomaaliga ku hadasha.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo qoraal ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa ka waramay taariikhda dhulka Soomaalida ah, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

Waar Hooy Soomaaliyeed ayaan if iyo Aakhiroba Lagu Seegin: U Dagaalan Ficil Ama Magac Qabiil. Waxaan u Soo Qaatay Halku-dhigga aan kor ku Sheeggay Waxaa u Sabab ah iyada oo aad Loogu Foogan yahay: Qabyaalad oo ah ( Qab iyo iil ) Gaar Ahaan: SOMALILAND iyo Soomaaliya.

Umadda Somaliyeed Wuxuu Allah ku Abuuray Dagaan ahaan Geeska Afrika Iyaga Ku Noolaa

Degaanno Ku Salaysnaa: Beel Beel oo Dhulka ay kala Sheegan Jireen Laakiin haddana ay Wadaagi Jireen Wixii Dan ah Sida: Daaqa, Biyaha, Guurka, Socdaalka iyo iskaashiga Mar mar haddii Halisi Dibadda Kaga Timaado iyaga oo Lahaa: Xeerar ay Ku Dhaqmi Jireen Haddii Wax Dhex Maraanna ay Ku Kala Bixi Jireen Marka ay isku Qabtaan Tusaal ( XEER CIISE ) oo ahaa Xeerarka Soomaalida Ka ugu Adag uguna Waxku-oolsan.

Haddaba Dhamaadkii Qarnigii 19naad iyo Horaantii Qarnigii 20naad Waxaa Umadda Somaliyeed Soo Gaadhay Ama Qabsaday Quwado ama Dawladdo Shisheeye Ugu Horayn Turkiga oo Soo Galay Gobollada Waqooyi ee Carro Soomaaliyeed iyaga oo Soo Gaadhsiiyey Qaab Nololleed Ku Cusub Soomaalida Sida: Isku Maamul Xukun Dawladdeed oo Sharciyo Ku Salaysnaa Gaar Ahaan Magaalooyinkii Turkigu Maamuli Jirey Sida: Herar, Saylac, Berbera, Karin iyo Xiis. Turkigii Waxaa Bedeley Dawladdihii Reer Yurub iyo Boqortooyadii Abasiiniya ee Qaybsaday Umaddii Soomaaliyeed ee u kala Dhigay 5 Qaybood oo Kala ahaa:

1. British Protectarate SOMALILAND,

2. Italian SOMALILAND,

3. French Soomaaliland,

4. Dhulkii Soomaali Galbeed ee Itoobiya La Siiyey Itoobiya

5. Dhulka Soomaalida ee Keniya La Raaciyey Arrintanni Waxaan u Soo Qaatay in aan iftiimiyo in Ummadda Soomaaliyeed Gumaysteyaashii Reer Yurub Soomaali Sidaa u Kala Dhigeen una Kala Sameeyeen : Suudimo ama Xuduuddu Caalami. : Haddaba Waxay Shaqaaqo ka oognayd Suudintii ay Kala Samaysteen Great Britainia iyo Italia ee Maantana Madaha u ah: SOMALILAND iyo Soomaaliya oo Laga Aloosaayo Dagaal aan Caqli Wanaagsan iyo Cilmitoona Ku Salaysnayn Laakiin Ku Salaysan Laab Lakac Qabyaaladeed Haddii aan La Joojinna Burbur iyo Baaba u Keeni Karta Umadda Somaliyeed ee Ku Kala Nool Dawladdaha Geeska Afrika Sida Jamhuuriyadda Jabuuti, Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, Jamhuuriyadda SOMALILAND, Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Wadaaga ah iyo Ismaamulada Soomaalida Waqooyi Bari ee Keniya.

Haddaba Soomaaliyey Bal ila eegga Cawaaqibka ama Aayaha Waxa Ka Iman Kara Xuduud Dawlad ama Maamul Lagu Doono: Isir Ama Hayb Qabiil Haddii aan La Joojinna Burbur iyo Baaba u Keeni Karta Dawladaha Soomaaliyeed ee Ka Jira Geeska Afrika Tusaale Haddii Hartiga Puntland Joojin Waayaan Isir Ku Sheegashada Ama Diidista Dawladda SOMALILAND Qabiilka Dirkuna Waxay Diidi Karaa Maamullada Soomaalida, Qabiilka Hawiye ayaa Iyaguna Isirkooda Wax Ku Diidi Kara.

Haddaan Tusaale idin Siiyo Qabiilka Dir Weyne Waxay Tirada ugu badan ka yihiin dadka Ku Dhaqan Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mana Laha Isir Sheegashada Dawlad Diidmo iyada Afarta Qabiil ee Waaweyn ee Dirba Ku Dhaqan Yihiin DDSI Waxaa Madaxweyne u ah Mudane Cabdi Muxumed Cumar Iyaga oo Kala ah: Maha Dir oo Isaaqu Ku Jiro, Madoobe Dir, Madaluug Dir iyo Madaxweyne Dir.

Haddaba Aniga oo Leh Cidda Isir Iyo Qabiil Dawlad iyo Xuduud Qabiil oon Jirin Wax Ku Doonaysaay Joojiya ( Toloow Colka Jooji ) Sababtuna waa Qabaa’ilka Soomaalidu Dawladdaha Ka Jira Geeska Afrika Way Ku Wada Jiraan Reerka Ciise Waxay u Qaybsan Yihiin: Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda SOMALILAND iyo Dawlad Degaanka Soomaalida ee Itoobiya oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Reerkiisu Waxay Degan Yihiin Waqooyiga Hargeisa iyo Gobolka Awdal, AHUN Madaxweynihii ee Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Guuleed Abtidoon Wuxuu Ku Dhashay Magaalada Gaarisa ee Gobolka Awdal Reerkiisuna Wuxuu Dagaa Waqooyiga Hargeisa iyo Gobolka Awdal.

Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelleba Way Xaq Dhawraan Xuduuddka u Dheexa Labada Dal ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda SOMALILAND. Haddaba Waxaan Ka Codsanayaa dadka Sharafta Leh Ila Wadaagga Baraha Warbaahinta in ay Dood Furan ka Yeeshaan in Ummadda Soomaaliyeed ee Ku Dhaqan Geeska Afrika in Loo Kala Sameeyo: XUDUUDO QABIIL OO KU SALAYSAN MAAMULLO QABYAALADEED SIDA: DIR, DAAROOD, HAWIYE, DEGEL IYO MIDHIFLE IWM. iyo in la isu kaashado Sidaa Loo Kala Yaallo oo la isu Dugsado Walaalnimo iyo Nabad kuwada Noolaan.

Arrinta Soomaaliya iyo SOMALILAND Waa in aynu Ku eegnaa: Maskax Fayow iyo Maan Wax Garad. 26kii Juun 1960kii Markii ay SOMALILAND Ka Xorowda: Great Britainia Waxay Shuruud La’aan La Midowday Soomaalidii Italia Gumeysan Jirtay 1dii July 1960kii Si ay Hormuud ugu Noqdaan Middaynta 5tii Soomaaliyeed ee Gumeystuhu Qaybiyey Waxay Arrintii Soomaalidu Noqotay: Wax La Waayey Geellow Ninkii Waallanbaa u Duda.

Taladu Aniga Waxay iigu Muuqataa in Soomaalidu Kala ahaato Sidii Gumeystuhu u Kala Dhigay Kol Haddii aan La Middaynan Afarta is ogol Sida: Jamhuuriyadda Jabuuti, DDSI, Dawladda Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Ismaamullada Soomaalida Waqooyi Bari ee Kenya. Waa in SOMALILAND Lagu Xaqdhawraa Qarannimadeeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here