“Dadka Ku Dagaalamay Dararweyne Waxaan Idiin Leeyahay ‘Kii Wax Dilay Iyo Kii La Dilayba Waa Ehelu Naar Ee Ogaada……..” Faysal Cali Waraabe

0
666

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa baaq nabadeed u diray Beelo Walaalo ah oo dhawaan dagaal ku dhex maray Deegaanka Dararweyne oo ka mid ah Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha UCID oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale beeniyey hadal uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ku sheegay in Xukuumaddu labada Beelood ee Dararweyne ku dagaalamay midkood taageerayso, waxaanu sheegay in hadalkaasi yahay mid aan waxba ka jirin, isla-markaana Xukuumaddu tahay ta Ciidammada kala dhex dhigtay labada Beelood markii ay dagaalamayeen.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Ninkii lahaa Suldaan baan ahay ee lahaa Dawladda ku jirta (Dagaalka Dararweyne) waa been oo wax Dawladdu ku jirtaa ma jirto, Dawladdu waatii horeba idiin kala qabatay ee Ciidanka furinta ka soo qaadday ee idin kala dhex galaysay”
Guddoomiye Faysal wuxuu farriin Waano iyo wacdi ah u diray Beelaha ku dagaalamay Dararweyne “Dadka ku dagaalamay Dararweyne waxaan idiin leeyahay ‘kii wax dilay iyo kii la dilayba waa Ehelu naar ee ogaada..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaad tihiin Wiil iyo Abtigii oo wax is-dhalay baad tihiin, wax isku kiin dhaamaa ma jiro oo ma kala tagaysaan oo ILAAHAY baa meesha idinku wada abuuray, markaa waxaanu idin leenahay Nabad qaata oo is-cafiya, dhimashaduna intaa haku joogto, waxaanu jecel nahay inaan dhiig dambe daadan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here