Somaliland: Xukuumadda Oo Xidh-xidhaysa Dhaawacyada Dagaal-beeleedkii Dararweyne Oo Qaarkood Lagu Daweynayo Hargeysa & Tallaabooyinka Kale Ee Qorshaysan

0
944

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay Dagaal khasaare badan sababay oo dhawaan deegaanka Dararweyne ee Gobolka Sanaag ku dhex maray laba Beelood oo Walaalo.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaan la garanayn waxay isku dilayaan Labada Beelood ee wada dega Deegaanka Dararweyne oo hoos-taga Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag, kuwaasi oo dagaalkoodu sababay dhimasho iyo dhaawac marka la isku daro gaadhaya Konton Ruux.
Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maalmahan waxa dhibaatadoodu ina soo gaadhay oo uu dhaawacoodu yaallaa Laba beelood oo walaalo ah oo isku laynaya Ceel  Af-weyn, dagaalkaasina wax  alla iyo wax uu u socdo garan mayno, qof garan karaana ma jiro, kala guuri maayaan oo isu tudhi maayaan, waa inan iyo Abtigii, isu seeddi, habro-wadaag, iyaga uun baana kala guursada, nasiib-darro wixii dhibaato ina soo martay waligay maan arag dhexdeena lix saacadood gudahood konton qof oo dhimasho iyo dhaawac ah, in PKM dabada la isu qabtaa wax la qaadan karo maaha, xitaa haddii la is dilolna tudhaale ayaa jira, waxaana ay u baahan yihiin inaynu qabanno, shaydaan baana ka adeegay oo waa masiibo qaran, dhammaanteenna waxaan soo jeedinayaa inaynu iskugu tagno oo aynu gacmaha ka xidhno oo aynu hubka ka qaadno, dhammaanteenna waynu isugu tegaynaa oo miyirka ayeynu ku soo celinaynaa, miyir way dhaaftay, Wacdi way dhaaftay oo waxba loolama hadhin (si Colaaddooda loo dhameeyo), Maanta Ciidankii baa dhex jooga oo waa la kala ilaalinayaa.”
Madaxweynuhu wuxuu baaq u diray Shacabka Somaliland “Somaliland oo dhan waxaan ka codsanayaa inaynu dedaalka wada galno oo aynu kooda odayga ah qabanno oo aynu nidhaahno caqli baad leedahay, kooda taajirka ah qabanno, ka abaabulaya ee tollaayeyda qabanno oo aynu fidnadaa gacanta ku wada qabanno mooyaane tallo kale oo maanta inoo taallaa ma jirto.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Xukuumad ahaan ay Go’aan ku gaadheen inay xidh-xidhaan Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkii labada Beelood ku dhex maray Dararweyne marka ay Caafimaadaan, si dhibaatada halkaa ka taagan Xal loogu helo “Waxaanu Go’aan ku gaadhnay ka ladnaada inaanu xidhno oo aanu Dagaalka dib ugu noqon oo aanu Qoriga dib u qaadanin.”
Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dhawaaqyo Xanaf leh oo intii Dagaalka Dararweyne dhacay ka soo yeedhayey qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Dalka, waxaanu yidhi “Madax-dhaqameedka Somaliland waxaan ka codsanayaa, marka ay reeruhu is dilaan madax-dhaqameedka, suldaanka iyo odaygaa loo tegi jirey, laakiin haddii uu odaygii leeyahay waan dagaallamayaa dabka anigaa wada oo aanu la gabbanaynin sidee la yeelayaa, Madax-dhaqameedku waa inay is waaniyaan oo iyagu is qabtaan, waana masiibo, inuu suldaankii ugu soo horreeyo dagaalkii, fidnadii iyo dagaalkii ay ballaayadu ka dhacaysay waa masiibo hor leh oo inoo kow ah. Ragga Maanta cumaamadaha saydhinaya ee ina Suldaan Hebel iyo ina Suldaan hebel ahoow, suldaankii ku dhalay, kii kaa horreeyey iyo Awoowgaa samaan bay talin jireene dagaal may oogi jirin, hadal fidno lehna may tuuri jirin, saasayna sharaf ku lahaayeen, idinkuna ku yeelan maysaan sharaf hadal siyaasi ah oo aad dadka ku kicisaan iyo tolla’ayeey waan dagaallamayaa iyo beel baan u qabanayaa shir, salaadiin kuma noqonaysaane fidmo-wadeyaal baad noqonaysaan, waana codsi oo haddii suldaankiina dagaal iclaamiyo, kii yaraana qori la cararo waa waali, sidaasna ku socon mayno,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here