Ma Dhabaa Inuu Madaxweyne Gaas Is-casilayo, Maxaase Ka Jira In Ciidamo Badan Kasoo Goosteen Jiidaha Hore Ee Dagaalka? [Akhriso Warbixin]

0
930

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdi-wali Maxamed Cali Gaas ayaa xilligan wajaha cadaadis aad u badan tan iyo intii Ciidamada Somaliland la wareegeen magaalada Tuke-raq ee Gobolka Sool 8 bishii koowaad.

Wararka aan ka helayno magaalada Garoowe ee ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas lagu cadaadinayo inuu is-casilo maadaama uu ku fashilmay hoggaaminta Puntland.

Tan iyo intii uu xilka la wareegay Gaas Puntland waxa ay wajahaysaa dhaqaale darro aad u baahsan taasi oo si toosa u saamaysay Ciidamada Puntland oo dhowr jeer la wareegay xarumo Dawladeed iyagoo ka cabanaya mushahar la’aan.

Dhanka kale Argagixisada  oo Puntland ku haysa dhib wayn ayaad mudooyinkii dambe aad usoo xoogaysaynayay kuwaasi oo mararka qaar la wareega gacan ku haynta deegaano ku yaala bariga fog ee Puntland.

Somaliland ayaa dhinaceeda isku ballaadhisay deegaano ka tirsan Gobolka Sool kuwaasi oo aanay hore u joogin iyadoo la xaqiijinayo in 210 Km oo dhul ah ay Somaliland la wareegtay muddadii uu hayay xilka Madaxweyne Gaas.

Ciidamada Puntland ee ku sugan aaga Tuke-raq ayaa waxa kasoo baxay isla markaana ka gadooday in ka badan 2000 oo ahaa maleeshiyo beeleedyo lasoo uruuriyey kuwaasi oo dib ugu laabtay deegaanadoodii.

Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Puntland ayaa ku cadaadinaya Madaxweyne Gaas inuu is casilo maadaama uu hor taagan yahay dagaal lala galo Somaliland.

Isku soo wada duubo Gaas ayaa u badan tahay inuu is-casilo haddii ay dhici waydana waxa uu la kulmayaa Mucaaradadii ugu adkayd muddadii uu xilka hayay.

Xigasho Xornimonews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here