Wasiirka Khayraadka BiyahaSomaliland Oo Kormeeray Ceelasha Biyuhu Uga Yimaadaan Magaaladda Berbera

0
1092

Wasiirka khayraadka biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa kormeeray ceelasha biyuhu uga yimaadaan magaalada berbera kormeerka oo ay ku wehelinayeen maamulka wakaallada biyaha berbera waxaaney indha indhayn ku sameeyeen ceelsha faro deero iyo laasgumare oo ay wakhtigan ka socdaan ceelal badan oo ay wakhtigan qodoyso shirkadda Dp World waxaana warbixin wasiirka ka siiyey xaalka biyaha berbera sida ay wakhtigan yihiin maamulaha wakaallada biyaha berbera iyo isuduwaha wasaaradda biya ee berbera. Wasiir ku soo dhawoow faro deero oo ah meesha koowaad ee igu biyaha badan ee magaaladu ka hesho wasiir halkan waxaa nooga qodan lix ceel waxaa nooshaqeeya afar ceel waana meesha biyaha ugu badan magaalada siisa waxaa naga qalaley laba ceel meeshan markii la garaaco wey yaraanaysaa meeshana muddo shan sanno ah daad ma soo marin haddii daad soo mari lahaa biyahaa noo kordhi lahaa oo rijaaj bay qaadan la haayeen nasiib wanaag wasiir haddana waanu garaacnaa oo waanu dedaalnaa intii loogu talo galay in ka badan baanu runtii soo bam gareynaa.mujaahid ibraahin dhagaweyne oo isna halkaasi ka hadlay ayaa talooyin badan ka soo jeediyey isla markaana siiyey wasaaradda biyaha wuxuna amaan ballaadhan usoo jeediyey maamulka wasaaradda khayraadka biyaha isagoona kula taliyey inay berbera hesho biyo ku filan “ ummaddu haddii aaney biyo helin horumar ma jiro ilaahaybaana sheego nololina ma jirto meel aaney biyo joogin noloshuna biyahay ka bilaaban taa meeshii biyo yaaliin nolol baa taala meeshii biyo lana waa nolol la,aan waxaan wasaarada kula talinayaa in kuwan qabyada ahna la dhamaystiro dhaamkaa yarna la xidho biyo dambe oo mishiin lagu cabayaa ,shiidaal iyo rig la qodayaa ma jirro dhaamamka noocaasa wadanka inaynu barno oo ay noqdaan dhaxal boqolal sanno ayey jirayaan biyahaasina kayd ahaanayaan. Ugu dambayna wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay inay dedaal xoogan ugu jiraan sidii ay dalka uga hirgalin lahaayeen biyo ku filan wasiirka ayaa sheegay inay dib u eegis ku samaynayaan riigaga qaaliga ah ee la qotay ee laga ganacsado isla markaana lacagta qaaliga ah la siiyo taas oo uu sheegay inay talaabo cad ay wasaarada khayraadka biyuhu ka soo saaridoonto.” Waxaanu taxadarkaa badan usiinaynaa iyadoo jimce tahay anagoo meelo fog-fog k animi waxaanu ognahay inuu xagaagii soo galayo in magaaladu biyo ku filan hesho sarkaalka Dp World Halkan ujooga waanu is aragnay wuxuun baa muhiim ah in dhakhso loo dhameeyo dadkana xagaaga aan biyo yaraani ku dhicin aakhirkana looga guuro dhaamam sidaa dhagaweyne sheegayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here