Wasiirradii Ugu Cuslaa Cahdigii Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal Iyo Baarqabo Siyaasadoodu Aan Masraxa Ka Gudhin

0
2126

Qormooyinkii Taxanaha ahaa ee aynu ku eegaynay Xukuumadihii Somaliland Soo Maray Golayaashii Wasiiradda Gaar ahaan Madaxweyne Kasta Xukuumadiisii ugu Horaysay ee uu Baalasha Kula Kala Baxay Qormadii Hore Waxaynu Ku eegnay Golihii ugu Horeeyay ee Wasiiradda Xukuumadii Madaxweyne Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Markii Lagu Soo Doortay 16 May 1993 Magaaladda Boorama ee Xarunta Boorama Laba Jeer oo Dambe ayuu isku Shaandhayn iyo Xunbo Cusub ku Soo Daray Xukuumadiisa iyadoo Sida Axdi Qarameedkii Boorama Qorayey Madaxweyne Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Ku Xigeenkiisii Mujaahid Cabdiraxmaan aw Cali Faarax Labadaa Sanno kaga ekayd 16 May 1995 Waxaana Sida Axdi Qarameedka Qodobkiisa Laba iyo Tobnaad Qorayey Xaalada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Loogu Kordhin Karo Xilka Wakhtigiisu Markuu Dhamaado, Dalku Wuxuu ku Jiray Xaalad Dagaal iyo Amni Daro Waxa dagaal Kululi Ka Socday Gobolka Togdheer iyadoo Magaalada Hargeysana lagu kala Qaxay isla markaana Koonfurteeda Dagaalo Ka Socdeen Labadii Gole Waxay isugu Yimaadeen Xarunta Goodirka Waxaana Shir Gudoominayey Alle Haw Naxariistee Gudoomiyihii Golaha Guurtida Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar Waxaana Hareera Fadhiyay Gudoomiyihii Golaha Wakiiladda Mudane Axmed Cabdi Xaabsade iyo Xubnihii Shir Gudoonka oo ay Ka Mid Ahaayeen Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre,Siciid Jaamac,Axmed Baydaani,Cilmi Xirsi Lixdii Xubnood ee Shir Gudoonka Waxaana Laysku Raacay oo Cod Aqlabiyada lagu Meel Mariyay in Siddeed iyo Toban Bilood Xukuumadda loo Kordhiyo Sannad iyo Badh Waana ta aynu u Soo Soconee keentay in Shirweynihii Saddexaad ee Beelaha Somaliland Lagu Qabto Hargeysa Gaar ahaan Hoolka Shaqaalaha Dawladda  Wuxuuna Shirkaasi Furmay 15kii Oktoobar 1996kii ilaa 23kii Feb 1997 waxaanu Maalin kasta Goob joog u ahayn Hawl Qabadka iyo Shaqada Golahaasi ka Socotay,Haday ahaan Lahayd Nabadayn,Dib u Heshiisiin,Turxaan Saar,Saami Qaybsi,Dastuur Qorid,Hanti Ma guurto Isu Celin, Calan iyo Astaan Qaran Samayn iyo Ugu Dambayntii Doorasho Si Hufan u Dhacday.

Haddaba Doorashadaasi Waxay Dhacday Maalin Axada 23 feb 1997 Sidaynu Hore U Sheegnay Waxaana ku Guulaystay Marxuun Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Halka Madaxweyne Ku Xigeena loo Doortay Mudane Daahir Rayaale Kaahin,13 March ayaa Xukuumad Tayo Iyo aqoonba isku Darsatay uu Soo Dhisay Madaxweyne Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Waa kuwan Labaatankii Wasiir ee Xukuumadaasi ka koobnayd bal ila Dheehda.

1.Dr Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo…………Wasiirka Maaliyadda

2.Dr Maxamed Cabdi Gaboose……………………………..Wasiirka Arrimaha Gudaha

3.Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe……………………….Wasiirka Arrimaha Debedda

4.Rashiid Cabdillaahi Guuleed………………………………Wasiirka Gaashaandhiga

5.Prof,Maxamed Siciid Maxamed Gees………………..Wasiirka Qorshaynta

6.Dr Axmed Maxamed Xaashi Fooyaan……………….Wasiirka Xannnaanada Xoolaha

7.Dr Maxamed Muuse Cawaalle………………………….Wasiirka Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga

8.Dr Cabdi Aw Daahir Maxamed…………………………..Wasiirka Caafimaadka

9.Prof Daahir Maxamed Yuusuf D Caamiye…………..Wasiirka Waxbarashada

10. Cabdillaahi Cumar Qawdhan …………..Wasiirka Cadaalada Iyo Garsoorka

11.Eng Axmed Maxamed Biixi……………………………….Wasiirka Macdanta iyo Biyaha

12.Eng Yuusuf Caynab Muuse………………………………Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta

13.Cabdillaahi Maxamed Ducaalle……………………….Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka

14.Cabdillaahi Xuseen Iimaan Darawal………………..Wasiirka Dib u Dejinta

15.Yaxye Sheekh Ibraahin Warsame…………………….Wasiirka Beeraha

16.Maxamed Qaasim Xaashi………………………………..Wasiirka Ganacsiga Wershadaha iyo Dekedaha

17.Jaamac Saalax Maxamed………………………………..Wasiirka Madaxtooyada

18.Cumar Maygaag Samatar Furre………………………Wasiirka Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dalxiiska

19.Cali Sh Ibraahin Aaraaye…………………………………Wasiirka Dhaqanka Fanka iyo Suugaanta

20.Sheekh Maxamed Cabdillaahi Aayatulaahi……Wasiirka Diinta iyo Awqaafta

La soco Maqaalada Dambe ee Qormooyinkan Xidhiidhka ah iyadoo Madaxweyne Kasta aynu Miisaanka Saari Doono Xukuumadiisa u Horaysa Ragga uu Xusho iyadoo Miisaanka Siyaasada Madaxweynahaa dhinacyada Arrimaha Dhaqaalaha,Siyaasada,Amniga iyo Arrimaha Bulshada Muraayadda Laga Dheehdaa Tahay Xukuumada ugu Horaysa ee uu Soo Dhiso La Soco Cadadka Dambe

Xigasho Wargeyska Sahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here