QAYBTII 1AAD XUSUUSTII XILDHIBAAN MUBAARIK YUSUF (BIDHI) iyo 27MAY 1988-27MAY 2008 BURCO WAA TAARIIKH LAMA ILAWAAN SANADGUURADDII 30aad

0
1253

QAYBTII 1AAD XUSUUSTII XILDHIBAAN MUBAARIK YUSUF (BIDHI) iyo 27MAY 1988-27MAY 2008 BURCO WAA TAARIIKH LAMA ILAWAAN SANADGUURADDII 30aad

Waxaan u Ducaynaynaa Dhamaan Mujaahidiintii ku shahiiday halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreyeey SNM.

anigoo ka mid ahaa Mujaahidiintii Maalintaa ahaana mujaahidkii Calanka SNM ka taagay Saldhiga Burco kii faqashtana dhulka dhigay oo weliba dhaawac iga soo gaadhay fuulitaankii Birta dheer ee Saldhiga Burco 27May 88

Waxaa ay maanta ahayd 27May waa maalintii Xoogagii SNM ee mujaahidiinta ahaa si foolka fool ahayd ugu babacdhigaan Ciidamaddii Faqashta ee laxaadka lahaa ee Gobolada Waqooyi iminkana Somaliland ah oo ay soo galeen Magaalada Burco,oo ahayd magaladii 2aad Dalkan, waana maalin Somaliland oo dhan tariikhda igu Suntan .

Hadaba 27May 1988 oo ahayd maalin jimco ah hadaan u soo daadego qiimaha ay leedahay waxay ku timi ka dib markii Heshiis ay gadheen Labadii keliye Taliyayaal ee Mengistihii Itoobiya iyo Siyaad Barrihii Somaliya ayna ku heshiyeen Qodoba dhowra lakiin qodob khusaynaayey SNM ayaa dhigaayey in mujaahidiintaa SNM loo gacangeliyo Siyaad Bare Itoobiyana ka joojiyaan Tageerada ay siiyaan SNM, taas oo keentay inay hogaankii SNM go’aan ku gadhaan inay gudaha u galaan dalkoodii si ay ugu madha-dhaliyaan hadafkoodii iyo ujeedadii ay u dagaalamayeen oo ahayd Geerri Iyo Guul.

Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay hogaamintiisu ku soo beegantay xiligii ugu dheeraa ugana adkaa Ururka SNM ,uguna dagaal badnaa una baahnaa go,aano adag oo ku saleysan geesinimo iyo halyeynimo oo aanu marna cadowga u liicin una jixinjixin.
Hogaaminta Mujaahid Axmed Siilaanyo waxay lahayd Codkarnimo Aqooni ku dheehnayd taas oo isku dubariday dhismaha iyo nadaaminta SNM kana dhigtay urur u dagaalama Qadiyad xaqa ah, waxaanu Caalamka gaadhsiiyey in ururka SNM la dagaalamayo talis dhiigyo cab ah oo aan waxba ka xishoonayn waxna ka dhowrasanayn.

Markii April 1988 ay gadheen heshiiska labadii keliye taliyayaal ayuu Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo halkuu dooranlahaa in uu isdhiiibo ama dulinimo ay ku jiraan dadkiisu taas oo qaran jab ku noqon lahayd ayuu wuxuu doortay May 1988 oo uu amar ku bixiyey in Ciidamadii SNM gudaha u galaan wadanka si dulmiga looga dulqaado dadka loona badbaadiyo nolosha dadka oo xoriyad ,sharaf iyo cisi ay ku nooladaan.

Waxay ahayd xili murugo badan ,cabsi iyo werwer badana jirey qofkastaana halkiisa ka lahaa TOLOW MAXAY NOQON DOONTAA, taas ayaa niyada lagu hayey ilaahay ayaa Talo la saartay, Jabkii weynaa ee loo geystay Faqashtii kamay soo kicin waana ta dhalisay Guushii Somaliland. Xaaladaha iyo duruufaha uu ka soo saaray SNM waqtiyadii ugu qadhaadhaa ayaa ka dhigaysa In loo aqoonsado Mujaahidka Axmed Maxamed Siilaanyo HALYEYGA SOMALILAND. Haddaba Umadda Somaliland maxay ugu abaalguday
1. Mujaahid Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.
2.Madaxdii iyo Mujaahidiintii kale ee Ururka SNM mid nool iyo mid dhintay.
3. maxaase loo qabtay Agoontii iyo Xaasaskii ay ka tageen Geesiyashii dalkan samato bixiyey,Naftoodana u huray.
Guusha aynu maanta haysanana haddii aynaan Halyeeyadii u keenay Umaddu Taariikhdooda Xusin , Qaranimadeena waxbaa ka maqan mana guulaysanayno. Waana ayaandaro weyn in la fududaysto Qiimihii Iyo Tariikhdii Halgankii SNM oo laga Hagrado Mustawahii uu lahaa halgankaasu.Somaliland waxa Dhalay SNM, SNM waa Hooyada Somaliland.

Gobanimada Somaliland waxa lagu waraabiyey dhiig ,waxaa u lee,day geesiyaal, Waxaa u ogoomoobay Ubad badan.
Waxaana waajiba In la ogaado in waxkasta laga ilaaliyo midhaha Sunta ah ee Qabyaalada oo umadda Tariikhdeeda lagu ilowsiiyo laguna baabiibiyo gebihaanba ujeeddo Siyaasadeed dhabta ahayd ee Halgankeedu xambaarsanaa. Markasta waxaan joognaa YAA MAALI JIRIYEEY, waa in lakala ilaaliyaa in ay wada sinaadaan Halyey Iyo Daneyste, Fuley Iyo Geesi, Jaahil Iyo Aqoonyahan ,Khaayin Iyo Daacad , Wadani Iyo Qabileyste, Qaran Iyo Qabiil, Caamada Iyo Culimada, IWM.

HOGAANKII SNM EE WAQTIGAA HALGANKA IYO WARBAAHINTA CAALAMKA
Meelihii ugu waaweynaa ee ay SNM ku guuleysateyna waxaa ka mid ahaa isticmaalka warbaahinta dibadda iyo inay dadkeeda dunida dacaladeeda si joogta ah u waraabiso, iyaga oo isticmaalaya warbaahinta kala duwan ee Caalamka. Waxa la xasuusan karaa waraysiyadii BBC-du la yeelan jirtey Hoggaankii SNM xilligaas ee sida roobka u doojin jirey niyadda shacbigii taageersanaa SNM ee ku noolaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku noolaa, niyadjabka iyo dhamacda rasaaseedna ku ahaa taliska iyo intii taageersanayd.

Waraysigan soo socda oo ay BBC-du la yeelatay Guddoomiyihii SNM ee xilligaas, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, Isniintii bisha May ahayd 30 1988kii, saddex maalmood kadib gudagalkii magaalada Burco ayaa ka mid ahaa waraysiyadaas sida roobka u ahaa shacbigii SNM. Waraysigan waxa uu Siilaanyo kaga jawaabayey war ay dowladdii Siyaad Barre ka soo saartay Muqdisho oo ay ku sheegtay weerarkii SNM ee Burco, fal ay fulisey kooxyar oo budhcad ah oo ay sheegeen inay laayeen dad rayid ah, hantidoodana boobeen, isla markaana ciidamadu ay sugayaan ammaanka magaalada, gacantana ay ku hayaan.

Waraysigaasi markii uu dhammaaday kadibna, waxay Idaacaddu sheegtay war degdeg ah oo ay sheegtay in Guddoomiyaha SNM, Axmed Siilaanyo oo markaa joogey London, dalka Ingiriisku uu u sheegay in Ciidamada SNM ay gacanta ku dhigeen magaalada Hargeysa, Salaasadii, iyada oo sida muuqata Waraysigan ay ku baahisey BBCdu barnaamujkeedii Caanka ahaa ee Toddobaadka iyo Afrika oo ka bixi jirey idaacadda Arbaca kasta.

Goormaad qabsateen magaalada Burco, Sidee ayaadse u qabsateen?
Horta magaalada 29-kii Bisha lama qabsan ee bisha 28-keedii ayaa si buuxda loo qabsaday. Duulaanku wuxuu ku dhacay muddo badanba SNM waa tii u dagaalamaysay urur xornimo doon ah oo dalka gudihiisa ka dagaalamayay, muddo badana diyaar garaw ayay ku jireen ciidamada dhaqdhaqaaqa wadaniga Somaliyeed (SNM), markaas wakhtigii ay noola muuqatay inay fursadu ahayd ayaa dagaal kedis ah oo shacbiweynuhu taageersanyahay lagu qaaday dhinacyo badan oo wadanka ka mid ah oo aaggaas waqooyi ka mid yahay, islamarkiibana waxa

lagu qabsaday magaalada Burco.
Magalooyin kale miyaad weerarteen oo aad qabsateen mise waa Burco oo qudha?

Magaalooyin badan ayaa la weeraray, ilaa imikana meelo badan ayuu dagaalku ka socdaa, meelaha la qabsaday ee aanu warkooda hayno waxa ka mid ah Cadaadlay, deegaanka Gabiley oo meelo badan laga xoreeyay, tuulooyink hawdka ah oo shacbigu gacantiisa ku xoraystay sida Oodweyne iyo meelo badan oo baadiyaha ah.
Maalintii Isniintii hadal aad magaalada London ka soo saarteen waxaad ku sheegteen inaad Magaalada Sheekh qabsateen. Sheikh ma ku jirtaa magaalooyinka aad qabsateen?

Dabcan magaalada Sheekh anigu saacadaas aan fadhiyo ma hubo, laakiin waxaan ogahay inay dagaalo badani ka socdeen kana dhaceen Berbera iyo Sheekh dhexdooda, oo ciidankii dawlad isku sheegta meesha jooga lagu jebiyay, Burcana maadaama la haysto Sheekh waxaanu u qaadanaynaa inay ka mid tahay goobaha xoroobay.
Ciidamada SNM ee Burco weerarka ku qaaday tiradoodu intee bay leekaayeen?

Ciidamadaasi ciidamo aan yarayn ayay ahaayeen. Waa ciidamada suurto geliyay magaaladaas Burco oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dhinaca waqooyi ee dalka Somaliyeed oo ciidan lixaad lihi uu degenaa. Hawlyarida lagu qabsan karaa labadaba way muujinaysaa, in xoog iyo niyad lagu galayna way muujinaysaa, inaan ciidamada halkaas joogay ee dawlad ku sheegta ka tirsanaana inaanay tamaro badan lahayn way muujinaysaa. Markaas ma kun, laba kun, saddex kun imisa ayaad ku qiyaasi karaysaa ciidamadaas SNM?
Tirooyinkooda inaan idhaahdo waa intaas dooni maayo, shacbi dhan ayaa ka qayb galay, umad dhan ayaa meel waba kaga soo gurmatay, markaas ciidamo aan tiradoodu yarayn oo aad u faro badan weeye.
Shacabka magaalada Burco degen ee rayidka ahi miyay ka qayb galeen dagaalka ciidamadiinu qaadeen?

Magaalada Badhankteeda la iskuma qabsan ee meelaha la abaarayay waxay ahaayeen goobihii ay ciidamadu degenaayeen, waxa qudha ee dhacay waxay ahayd markii meesha laga qabsaday inuu isagu diyaarado soo diray oo ciidamada dawlad ku sheegtu soo direen, oo ay magaaladii garaaceen dad badan oo shicib iyo daaro ahna ay wax ku yeeleen, laakiin magaalada gudaheeda dagaal ka dhacay ma jiro.
Labadaas diyaradoodna waad soo rideen, sida aad ku sheegteen hadalkii aad Isniintii soo saarteen? Labadii diyaaradoodba midna Burco ayaa lagu soo diray, tii kalena dhaawaceedii Hargeysa ayuu ku dhacay.
Ciidamada Somalida qiyaastii imisaa ka dhintay oo aad dagaalkaas Burco kaga dhisheen?

Tirooyinkaas tiro aanu annagu odhanayno intaas ayaa la dilay run ahaantii ma jirto, waase jirtaa oo dagaal ayaa meesha ka dhacay. Ciidamadoodu waxay u qaybsameen wax is dhiibay, wax la saftay ciidamada SNM iyo wax firxaday.
Ciidamadiinii imisa ayaa ka dhintay?
Ciidamadayada waxa ka dhintay lix, 17-na dhaawac ayay noqotay.
Wararka Muqdisho ka imanayaa waxay sheegayaan in 600-800 oo ciidamadiini ahi dagaalkaas ka qayb galleen midna aanu ka noqon?
Ciidamayadii Burco way haystaan, calankii SNM ayaana maanta Burco ka taagan, sidaan shalayba idhina imikana waanu cadaynaynaa haddii ciidamada dawladda Somaliyeed ogolyihiin taga berito.
Warar na soo gaadhayaa waxa ay sheegayaan in markii ciidamadii SNM Burco galleen, inay dadkii rayidka ahaa ee magaalada degenaa siiba dadkii rayidka ahaa ee gobolada kale ka yimid inta ay ururiyeen oo ay meel isugu keeneen oo ay laayeen?

Arrintaas wax alla wax ka jiraa ma jiro haba yaraate. Umadu inay kacdo oo xaqeedii doonato oo dagaalka halka ay joogaan ka huriyaan oo ku gadoodaan oo ay imikaba jirto in ciidamadii gadoodeen, dadka aad sheegayso cid kasta ha ahaadeene way la safteen oo umadda ayay ka mid ahaayeen way raaceen oo ciidamadii SNM ayay raaceen.? Haddii shacbiga wax soo gaadheenba cidda ilaalinaysay waxay ahayd SNM iyo shacbigooda. Waxa soo gaadhay waa diyaaradii rushaysay ee bamamka ku riday, intaasna ciidamada Siyaad Barre ayaa gaystay, imikana waxay u soo hanqal taagayaan ee ay wadaan waxa weeye inay shacbiga reer miyiga iyo magaalka leh inay rusheeyaan iyaga oo u marmarsoonaya inay dadka cidhib tiraan, iyagaa qabyaalad ku shaqeeya, iyagaa noocaas ku shaqeeya iyagaa gobolaysi ku shaqeeya ee SNM siyaasadeedana maaha ee waxa weeye wax xalaal ah oo umadda Somaliyeed ka dhexeeya oo ay ku dheehantahay walaaltinimo iyo wadaninimo.

Axmed Siilaanyo, tallabaada kale ee taas ku xigta aad qaadanaysaan maxay tahay? Tallaabada kale ee taas ku xigta ee aanu qaadaynaa waxa weeye inaanu dhulka intii kale ee aanu ka xorayn karno ka xorayno nidaamkaas faashiga ah ee dalka ka dhisan, meelo badan ayuu dagaalkii ka socdaa, Hargeysa waa ka socdaa, magaalooyin kale waa ka taaganyahay, waxaanan ku rajo weynahay inaanu meelo badan oo dalka ka mid ah xorayno dabadeedna halkaas ka sii wadno ilaa dalka Somaliyeed xoroobo.

Dhulkee weeye dhulka aad leedihiin waanu xoraynaynaa?
Sida Distoorkayagu dhigayo waxaanu nahay umadda Somaliyeed, dalkayagii Somali la odhan jiray weeye dalka aanu xoraynaynaa.
Ee gobolada Waqooyi maaha?
Goboladu waqooyiga dalka Somaliyeed ayay ka mid yihiin, waanan xoraynaynaa gobolada kale waana la gaadhi doonaa ama imikaba hawshu way ku socotaa.

Dhinaca Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo hadda ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.

27may ayaa ahayd maalin Taariikhdii halganka SNM ku xardhan kuna Suntan iyadoo ay tageerayaan dadweyanaha Burco ayey afka ciida u dareen nidaamkii cadaadiska iyo cabudhinta ku hayey shacaybka ,Cutubyo ka mida mujaahidiinta SNM ayaa ku waabariisteen guud ahaan Magaalada Burco ,Iyadoo Niyadoodu ay aad u Heersareysay ,iyadoo SNM usoo badheedhay Ciidan Awood badan sheegta oo Kumanaan ciidamo ay ku taxnaayeen Jiidaha iyo Gudaha G/Togdheer .

Iyadoo Faqashta ay ku noqotay layaab iyo Amakaag , Maalintaasi ayaa noqotay maalintii la ogaaday awooda weyn ee SNM , caalamkuna qiro Siyaasad ahaan in ay yihiin Quwad aad u xoog badan oo dadkoodu aad u tageersanyahay cidina aanay is hortaagi kareyn.

Hogaamiyaashii Mujaahidiinta hogaaminayey ee wacdaraha ka dhigay Maalintaa Burco

Waxay ahayd maalin waayaheeda lahayd ,waxay fure u ahayd guushii balaadhnayd ee SNM gaadhay iyo Magaaladii ugu horeysay ee laga takhaluso xukunkii Taliskii Faqashta ahaa ee waqtigaa jirey ,waxay ahayd maalintii u horeysay ee Siyaad Barre ay ka baxdo Gacantiisa Maamulkiisii Gobolada Waqooyi , Niyad jab weyna uu ku dhacay iyadoo werwer xoog lihina uu la soo dersay waxayna Taariikh u ahayd Madaxbanaanida Somaliland waxay ahayd maalintii u horeysay ee weerar Naf hurida oo geesinimo ay ku qadaan SNM Magaalo weyn oo quwad weyn oo Afrikaan Madow ah oo aan cidi waabin Karin Iyagoo SNM ku socotay Niyad Bira , waxaa Maalintaa la soo afjaray oo shacabka laga dulqaaday waxyalahii ay sameynjireen Taliskii Faqashtu sida Tuulooyinkii Hawdka ee sida naxariis la,aanta loo gubijirey (Iyadoo la gubijirey Tuulooyinka Mujaahidiinta Dagaalamaysay ay ka soo jeedaan) ,Barakadaha oo Miinada lagu xidhi jirey oo xaasidnimo loo baabii,in jirey , Xadhigii,dilkii xoogsheegashadii, cabudhintii iyo amarku taagleyntii. La soco Qaybta 2aad

Madaxbanaanida aynu Maanta hadhsanayno Waxaa ku nafwaayey oo ku shahiiday mujaahidiin badan oo aynu dhiigooda maanta hadhsanayno inagana mudan Duco iyo Xusid .

Hadafkooda ayaa SNM ahaa in marka ay dalka Xoreeyaan in dadku isxukumo oo iyagu ay soo doortaan maamul doorasho Xalaal ku yimaada oo isagu fuliya hadafkii iyo ujeedadii loo soo dagaalamay oo dhabta ahayd.

Mujaahid ayaan isagana ka wareystay oo ka mid ahaa Mujaahidiintii soo gashay Burco ayaa ka waramay sida ay wax u dhaceen Berigaa waxaanu ka soo dhaqaaqnay Itoobiya oo dib isugu habaynay Tuulada Xuduuda ah oo ka tirsan Magaalada Burco waxanu soo raacnay wadada dheer ee Burco soo qabata ka dibna Faqashta ayaanu isku haleelnay Xaydh Ducato oo aan sidaasi ugu dheerayn Burco ,iyadoo aanu dagaal aad u qadhaadh ku jiidhnay faqashtii La soco qaybta 2aad.

7:00 Subaxnimo 27May 1988 ayaanu isku galaabixinay Burco ,iyadoo ciidankayagu ahaa Qiyaastii in ka badan 800 Mujaahid oo aad u hubaysan Niyad Birana Sita iyadoo oo aanu ku soo talo galnay tageerada dadweynahayaga Burco oo iyagu guusha soo dedejiyey , Sarkaalkii u horeeyey ilaahay haw naxariistee ee nagaga shahiiday Burco wuxuu Mujaahid Ibraahim Jaamac Dhiif (Hayliqin). la soco qaybta 2aad

Aniga oo ah Mubaarik Yusuf (Bidhi) waxaan idiin soo gudbindoonaa sawiro farabadan oo ku saabasan SNM 27May 1988 Burco oo idiin noqonaysa Xusuus aad wanaagsan hadaba qaybtayda labaad la soco…………. Waxaad ka helaysaa sheekadaas oo dhan weliba wadata muuqaaladeedii Maalintaa qiimaha lahaa 27/05/1988 Qaybta 2aad ee Xusuustii 27May 1988 iyo Bidhi iyo Hadaladii qiimaha lahaa ee Mujaahidiintu ku dhiirigeliyeen Dadweynaha Burco iyo Gudiyadii la sameeyey oo aad helayso iyagana Muqaaladoodii ayaan idiin soo gudbinayaa anigoo ka mid ahaa Mujaahidiintii Maalintaa ahaana mujaahidkii Calanka SNM ka taagay Saldhiga Burco kii faqashtana dhulka dhigay oo weliba dhaawac iga soo gaadhay fuulitaankii Birta dheer ee Saldhiga Burco 27May 88.

Waxaa Wax alle Loogu Mahadnaqa in Qar ka mida Mujaahidinti Guusha iyo dulmigi iyo Xasuuqi laynagu Sameeyay inaga dul qaday .dalkana xoreeyay in Maanta Dalkan Somaliland MADAXWEYNE ka yahay Mujaahid Muse Bixi Cabdi iyo Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ah Wasirka Arimaha Gudaha Somaliland kana nool Lixdi Sarkaal uGu horeyay SNM U Talaba.

AHN Mujaahid Cabdiraxmaan Axmed Cali Madaxweynihi uGu horeyay Somaliland 1991

Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) Madaxweyihi Somaliland 2010

Mujaahid Cabdiraxmaan Awcali Madaxweyne kuxigen Somaliland
Mujaahid Xasan Cise Madaxweyne kuxigen Somaliland

Ilaahay Cimriga iyo Caafimadkaba Ha u siyaadiyo iyaga iyo Dhamaan Mujaahidti SNM waxii ka Nool inti ku shahiiday Dagaaladina Alle Jano Fardowsa u waydinyana

FIIRO GAARA : sawiirada Wakhtiiga Aniga qaday

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf (Bidhi)

Burco/Togdheer
Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here