Guddoomyaha ha’yadda qaxoontiga iyo barro-kacayaasha Cabdikariim Axmed Xinif ayaa isagu hore u sheegay in ay daahfureen mashruuc dadka reer Somaliland ee dalalka dibada ku dhibaateysay lagu soo celinaayo bal se maanta oo uu mar kale warbaahinta guddaha dib ula hadlay waxa uu gaashaanka u daruuray in aanay jirin waddan ilaa hadda ay ku heshiiyeen sidii dadka reer Somaliland dalkooda dib loogu soo celin lahaa.
Cabdikariim Xinif waxa uu intaasi ku daray in mar walba xukuumadda Somaliland diyaar u tahay sidii dib loogu soo celin lahaa dadka reer Somaliland ee dalalka dibada ku dhibaataysan ee dalbada in dalkooda dib loogu soo celiyo. Waxa uu xusay Mr. Xinif in aanay jirin dad ilaa hadda ka soo dalbaday in dalkooda dib loogu soo celiyo.
Ugu danbeyntiina waxa jiray waddamo ay xukuumadii madaxwayne Siilaanyo heshiisyo kula gashay sidii dadka loo soo celin lahaa hase yeeshee xukuumadda Somaliland ayaa iyadu dhankeeda gaashaanka u daruurtay heshiisyadaasi hore