Guddoomiyaha Xaysimo oo ka Hadlay Qaabkii Puntland Jidgooyada ugu Gashay

0
782

Guddoomiyaha Xaysimo oo ka Hadlay Qaabkii Puntland Jidgooyada ugu Gashay

Ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntand,ayaa weerar jid-gooyo ah oo ay ku soo qaadeen gobolka Xaysimo, waxa ku geeriyooday sarkaal ka

Taleex(Burcoonline)08.07.2018 – Ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntand,ayaa weerar jid-gooyo ah oo ay ku soo qaadeen gobolka Xaysimo, waxa ku geeriyooday sarkaal ka tirsan ciidammada qaranka Somaliland,waxa kaloo dhaawac culusi soo gaadhay Maayarka degmada Taleex ee gobolka Xaysimo, Saleebaan Xaaji Axmed Diiriye.

Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir) oo u waramay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay in ciidammada Garoowe ee dawladda aan iskeed isku maamuli Karin ee Soomaaliya ay weerareen wefti uu hoggaaminayey oo marayey 12kii habeenimo ee xalay degaanka Dhubuq-dhubuq ee gobolka Xaysimo.

Guddoomiyaha Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed wuxuu intaas ku daray in rasaastii maleeshiyada Garoowe ku fureen weftigiisa uu ku dhintay ALLE ha u naxariistee Marxuum-Gaashaanle dhexeSaleebaan Cabdi Jaamacoo ahaa Taliye Guuto oo ka tirsanaa ciidammada qaranka ee degan magaalada Talleex ee gobolka Xaysimo, halka uu dhaawac culusi soo gaadhay maayarkii degmada Taleex Saleebaan Xaaji Diiriye oo koomo ku jira isla markaana loo soo qaaday magaalada Hargeysa si loogu daweeyo.

Guddoomiye Cabdirashiidwaxa uu balanqaaday inSoomaaliyajab kala kulmi doonto duullaannada gardarada ah ee ay ka wadaan gudaha xuduudaha caalamiga ah ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here