Jabhadda ONLF oo-ka-hadashay-safarka-farmaajo-ee-Asmara

0
609

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho uga bilaabatay dalka Eritrea, halkaasi oo muddo saddex cisho ah uu joogi doono.

Magaalada Asmara, waxaa hadda ku sugan madaxda Jabhadda ONLF oo dagaal kula jirta dowladda Ethiopia, sidoo kalena ay dowladda Soomaaliya  ku tilmaantay in ay argagixisada xidhiidh la leedahay.

Haddaba jabhadda ONLF oo ka hadashay safarka Farmaajo uu ku tagey dalkaasi Eritrea waxaanay soo dhaweeyeen safarkan oo sheegay in uu yahay mid muhiim ah oo wakhtigiisa yimid.

Afhayeenka jabhadda ONLF Caddaani Hirmooge oo la hadlay idaacadda Voa qeybteeda afka soomalaiga ah ayaa sheegay in xurguf yar ay ka tirsanayaan dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay dhici karto in ay madaxaynaha Soomaaliya la kulmaan si ay u soo afjaraan khilaafkaasi yar.

Caddaani Hirmooge waxa u sheegay in ay daneynayaan in xidhiidh ay la yeeshaan dowladda Soomaaliya bal se ay Soomaaliya ka tirsanayaan go’aamo siyaasaddeed oo hore u qaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here