Mudane Madaxweyne u muuqo sidii laguu maleynaayey- “Ma Baqe, Go’aan Adag”,

0
833

Mudane Madaxweyne u muuqo sidii laguu maleynaayey- “Ma Baqe, Go’aan Adag”,

.dadku ma yaqaan hebel ayaa sidaasi kula taliyey ee waxa ay u fahmayaan in wax walba oo fiican oo la gaadho in aad adigu sabab u tahay, sidaas oo kalena wixii xumaada adiga…

Mudane Madaxweyne Marka aan u fiirsado sida hadda xaalku yahay ; Rayn-reyntii iyo Farxaddii lagugu soo dhoweeyey guushaaddii Madaxweynaha isla-markaana aan garab-dhigo weli su’aalaha imtixaanka adag ee ku horyaalla iyo inta aan ogahay aan kuu sheegi doono:  siiba meesha ay ka dhimatay iyo sida aad uga gudubto oo ah mid aad ku jirto imtixaan ay muraaqibiintii caalamka oo dhan joogaan.Taladu maalin walba way ku seegaysaa, fudayd ama faham la’aan mid uun, hadday kuu weheliso tashi xumo iyo taraan-turrana kuma sii jirto, Fadlan taladan qaado haddii aad rabto inaad ka gudubto carqaladaha kaa hor-imanaya inta aanad gaadhin guusha. kaana caawin doona inaad ka gudubto guuldaradda.

Taladanu waxay ka kooban-tahay (9)Sagaal arrimood ee soo socda.

1. Mudane Madaxweyne Dhegaha ka furayso marka hore xisbi “Maryo-ku-dhega” . koox iyo beel shirta ama xanaaqda oo kuugu hanjabta in lagu noqdo hab laga soo gudbay iyo dalabka saami qabsi jagooyin iyo kuwo Baarlamaan ku saabsan . Qaranimo iyo Dawladnimo kuma dhisanto Raalli-gelinta rabitaanka Beel iyo kooxkasta amaba in midkale loo Af-duubo Qaranka . Somalidu waxay ku maahmaahdaa, “Nin lammaan oo shir ka duday siigo yaraa.” Ha u debcin Rabitaanka Danta gaara ” Inta kooban” . “Wax-kasta ka horraysii danta guud ee Qaranka si aad ugu guullaysato xilka mudada aad hayso. Xoogana saar Cadaaladda. Midnimadda iyo Qaranimada S/land.

2. koox yaanay ku Af-duubin oo kaa soo horjeedin ummadda. sidoo kale kuwa kugu xeeran ee weliba madaxtooyadda ku sugan kumay dooran keligood ee waxaa ku doortay ummadda Somaliland oo dhan. mid kuu codeeyey iyo mid kaa codeeyeyba.Markasta Diid Rabitaanka Reer. koox iyo shakhsi :  Rabta xin iyo jago lagu gaadho dano gaar ah oo lugooyo ku ah Qaranka , waxaa laguugu soo doortay doorasho shacab laakiin haddii aad xisbiyadda mucaaradka ka soo qaadato “Haa”xubno aad u baahantahay waa suurta-gal . Waana xilli loo baahan-yahay in la isku soo jiido. ama la isuba keeno ummadda si wadajir loogu wada shaqeeyo wada-jirka umadda S/land.

3.  Mudane Madaxweyne ogow in lagu doortay adiga oo keliya taasina waxaana lagaaga baahan-yahay go’aan adag oo markasta ku salaysan maslaxadda guud si aad u heshid taageerada iyo kalsoonidda ummadda ee Fulinta Balanqaadyaddii Xisbiga Kulmiye..waxaad kaloo kalsoonida shacabkana ku kasban-kartaa Hanti-dhowr wanaagsan  oo aad keento iyo inaanu musuq-maasuqu Naxariis kaa helin. Ogow Cadaaaladdu waxay keentaa Nabad-gelyo Iyo Bulshadda oo kalsooni ku qabta dawladeedda, ama weliba Deganaansho iyo Horumar joogto ah oo saameynaysa Qofka, Qoyska iyo Bulshadaba.

4. Xaaladda jirtay mudadaadii yareyd awgeed : Waxaa la rabaa inaad noqotid Madaxweyne “Baqdintu ka guurto” , waa marka aad tallaabo ka qaadaysid cid ama qofka ku xad-gudba danta guud oo nabagelyadda ka soo horjeedda  iyo In aad Naftaadana ka xorreyso go’aan is-bedel badan oo fashiliya Xukuumadda iyo Qaranimadda dhabta ah. waxaa caado kuu noqotay Af dhiiran iyo Gacan gudhan oo curyaamiyey hawlahaagii taasi oo ku arooraysa maahmaahdaa sadexda ahayd :

Waxaa Hoggaamin ka qaada, ” Guddoon Jilicsan, Gar-eexo Iyo Gacan Gudhan”. Mudane Madaxweyne Saddexdaaba ka fogoow.

6..Isku-shaandhaynta soo socota. Muadane Madaxweyne soo dhis dawlad wanaagsan oo lagu qanci karo ahna xul iyo xal isku dhafan. Waa in aan mar-danbe dhalinyaradda qasab loogu hoolhoolin. Qoonta ugu weyn ee Ku taalla : xubnaha Xukuumadaada iminka , Ayaa waxay shacab-weynaha Somaliland Ku tilmaamaan inay badankooddu yihiin siiba kuwa ugu shilis wasiiradda , qaar Ku Fashilmay : Xilalkii Shaqadii iyo Siyaasaddii Wasaaradahooda u qaban jireen Qaranka. Iyagoo gabi-ahaanba dhulka la galay sumcadii iyo karaamadii Xukuumadda Somaliland.  Sidaas baa bedelkoodu Madaxweyne adigana dan kuugu yahay.

7. Mudane Madaxweyne dooro golle La-taliyayaal Khibrad-leh (AdvisoryBoard) oo leh sifooyinka kala-jaadka ah. ee ay kuula talin-karaan . si aad uga maaranto soo jeedinta iyo talooyinka xad-dhaafka ee jaah-wareerka kugu riday . kuwaasi oo ku saleysan dan shakhsi, koox, ama Qabiil. Ogowna talo adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noolla ee noqo mas’uul dadkiisa wax ka maqla . Isla-markaana Wixii talo xun xanbaarsan iska fogeeya. markasta Waxaad gacmaha qabsataa dadka jecel danta guud..”Ogow dadku ma yaqaanaan hebel ayaa sidaasi ku taliyey ee waxa ay u fahmayaan in wax walba oo fiican oo la gaadho in aad adigu sabab u tahay, sidaas oo kalena wixii xumaada adiga ayey dusha kuu saaran-yihiin”, sidaas awgeed dooro la taliyeyaal fiican oo yaqaan Siyaasadda iyo Dhaqanka dadka Somaliland lehna Iimaan iyo Astaan Qarannimo.

8. Waxaa jirta in Habka loo qeybsado Mashariicda ama Qandaraasyadda Qaranka,  Waa meesha ugu qudhunka badan xukuumadda ee ceebtu taal, hadda waxaa S/land ka jira ama soo socda mashaariic nooc-kasta leh oo ay tahay in markasta loo tartamo Hase-yeeshee ay had-jeer dhacdo: In ay Madaxdu cidkasta ka horeysiiyaan:  Saaxiibadood, Ehelkoodda iyo Hay’addo laga yaabo in ay Faa, iidada wadaag la yihiin, waana sababaha uu dhaqaaluhu dhinac keliya ugu ciiro ama qayb ka mid ah Bulshada halka ay qaybaha kale oo badana ay soo istaagaan Saboolnimo, Mudane Madaxweyne markasta dad badan ayaa kuula iman doona ama kuula yimi mar-hore :  hindisayashaasi mashaariic waaweyn iyo kuwa yaryarba ku taxaluqa  oo dhaqaale buuran lagu sameyn-karo ka aad uga fiirso . waxay culeys dhaqaale saaraayaan muwaadiniinta kale, Tusaale waxaa malaa haboon : In la sameeyo hay’ad sharci ah oo ka shaqeysa habka hubinta Mashaariicda iyo Qandaraasyadda loo Bixiyo, ama Maamusha meelaha danta guud ee dhaqaaluhu ka yimaado. Si ay ceeb la’aan u ahaato mashaariicda iyo hawlaha noocaasi ah . Xaqiijinta in ay markasta maraan tartan Gudidda Qandaraasyaddu . ayna arkaan xafiiskaasi sharci hubinta qaabilsan.

9. Dowladaha aynu deriska-nahay dhamaan macal Soomaaliyada. iyagu ina sheegata  Alle ayaa iskeen baday, waana lama huraan in aan si Nabad iyo Qaddarin leh ugu wada noolaano deegaanka geeska oo dhan mid ina neceb iyo ka-ina jeclba , Laakiin markasta “U fiirso hadaladda iyo fal-celinta aad siineyso Madaxda dowladahaasi”. waxaad tahay Madaxweynaha S/land. Tallaabo walba oo aad qaaddo saameyn ayay ku leedahay Somaliland sidaas oo kale-na “Go’aan kasta iyo hadal walba oo kaa soo fula isaguna Natiijo Ayuu Sameynayaa!. Gacantii aad goyn-weydo waa la dhunkadaa , sidoo kale ninkaad dileyso ama dabin u qooleyso waa la isu-kala daadiyaa yaanu kaa didine, waana luqadda ugu fiican ee cilaaqaadka dibadda.

Ugu danbeyn:  Waxaan ogsoonnahay in aan si degdeg ah lagu xallin karin dhammaan caqabadaha ka jira Somaliland, laakiin Qorsheyaal wax ku ool ah, Shaqo Hufan iyo Qiimeyn joogto ah ayaa lagaaga baahan yahay si loo gaadho “Natiijooyin la taaban karo”. Eebbe hakuu Fududeeyo oo Hakugu Guuleeyo.

Adan Yusuf Elmi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here