Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Oo Xiray Imaamkii Xaramka (Waa Maxay Sababtu)

0
1096

Ciidamada Booliska Sacuudiga ayaa Xabsiga dhigay Shalay oo ahayed Maalin Dunida Islaamka Aad loo sharfo Imaamkii Masjidka Xaramka Sheikh Saleh Al-Talib.

Sheekha waxa la sheegayaa in Amarka lagu Xiray uu bixiyey Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Khudbad uu jeediyey Imaamka Saleh Al-talib ayaa waxa qeybta dambe uu ku muujiyey in Dadka Muslimka ah looga baahan yahay in ay iska diidaan waxa xaqa ka horimaanaya Maamulada ay ku hoos nool yihiin.

Waxa Loo badinayaa in Kalmadaas loo xiray,iyadoo Kacdoon inuu ka dhasho laga baqayo Xariga Iimaamkaasi.

Isbuucii Lasoo dhaafay ayaa waxa Xabsi ku yaalla Dalka Sacuudiga ku dhintay Sheekh Suleymaan Dweesh oo 2016 la xiray jir dil xoog leh oo loogu geystay Xabsiga ayaana uu udhintay sida lasoo wariyey.

Sacuudiga ayaa udaba nacam leeya Reer Galbeedka sida dadka qaar ay aaminsan yihiin waana mid aan ogoleyn in Arimaha Siyaasada laga hadlo.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here