Wasiir-Maxamed-Kaahin-Oo-Soo-Bandhigay-Damaca-Uu-Ka-Qabo-Hogaanka-KULMIYE-Iyo-Madaxweyne-Muuse-Oo-Kulan-La-Qaatay-Axmed-SiilaanyoQodobada-Laga-Wada-Hadlay

0
1215

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin Oo Goroda Is Daray,Damaca Wasiir Maxamed Kaahin Oo Cirka Isku Shareeray ,Iyo Madaxweyne Muuse Oo Kulan La Qaatay Axmed Siilaanyo, Maalmihii U Danbeeyey Waxaa Soo If-baxaayey Muran Iyo Kala Shaki Soo Kala Dhex Galay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Saaxiibkiisii Ay Mudada Dheer Soo Wada Rafiiqeen,Wasiir Maxamed Kaahin Axmed

Khilaafkan Oo In Mudo Ah Huursana Isla Markaana Aan Si Toosa Usoo If-bixin,Ayaa La Sheegay Inay Labada Masuul Kusii Kala Fogaaedeen,Arimo Siyaasadeed.
Wasiir Maxamed Kaahin Ayaa Todobaadkan Gudihiisa Kulan La Qaatay Qurba Joogta Ay Isku Deegaanka Yihiin,Inkasta Oo Aan Lawada Shaacin Nuxurka Kulankaasi,Hadana Dad Badan Oo Siyaasada Falaqeeya Waxay Ku Tilmaameen,Mid Hor Dhac U Ah,Talaabooyinka Uu Damacsan Yahay In Wasiir Maxamed Kaahin Qaado,Kuwaas Oo Ku Qotoma Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Wasiir Maxamed Kaahin Doonaayo Inuu Gacanta Ku Dhigo
Sidoo Kale Xogo Ay Helayso Shebekada BurcoOnline.com.Ayaa Tilmaamaya,In Tartanka Hanashada Hogaanka Xisbiga KULMIYE Bilaamayo,Marka Laga Soo Noqdo Gudashada Acmaasha Xajka,Kaas Oo Siweyn Ay Ugu Hirdamayaan Siyaasiyiin Tiro Badan Oo Uu Ka Mid Yahay Ex Wasiir Maxamuud Xaashi,,
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Sidoo Kale Habeenkii Xalay Kulan La Qaatay,Madaxweynihii Talada Ku Wareejiyey Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Kulankaas Oo Ka Dhacay Guriga Uu Degen Yahay Madaxweyne Biixi,Waxaa Ku Wehelinaayey Siyaasiyiin Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE,
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ayaa Madaxweynaha U Sheegay Inay Jirto Cadaadis Badan Oo Kusoo Fooleh,Wakhtigan Kaas Oo Kaga Imanaaya Siyaasiyiinta Ay Isku Beesha Yihiin,
Waxaanu Madaxweyne Muuse U Sheegay SIILAANYO In Wakhtigan Ay Dalka Ku Gadaaman Yihiin Arimo Cakiran Isla Markaana Loo Baahnayn In Khilaaf Ka Dhex Bilaamo Xisbiga Iyo Xukuumadiisa,Waxaanu Madaxweynaha Usoo Jeediyey Inuu Siyaasiyiintooda Ku Xakameeyo Inay Dib U Dhigtaan Damacooda Siyaasadeed,
Madaxweyne Muuse Biixi Ayaa Si Gaara Cabasho Uga Muujiyey Wasiir Maxamed Kaahin Oo Uu Sheegay Inuu Wado Qorshe Uu Kaga Soo Hor Jeesanaayo Xukuumad,Waxaanu Ex Madaxweyne Siilaanyo Usoo Jeediyey Inuu Dhex Galo Khilaafka Madaxweyne Biixi Iyo Wasiirkiisa Ina Kaahin,
Xigasho Burcoonline

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here