“Marka Xabadda Ugu Horaysa Ka Dul Qaraxdo Cabdiweli Gaas Garoowe Intuu Sii Joogi Karaa? Ma Xagga Galkacyuu firxadka Nafta Ula Carari Mise..”Cali Guray.

0
656

SHIMBIR MALABTU MEEL AAR FADHIYO SHUUQA KAMA DEYNE

HADBA SHURUNSHUR MALAGIISU GALAY HAYSA SOO SHUBO EH!!

Puntland Ninkii in Uun Caqligiisa Qaba ama Aqoon Milatari In Uun wax uga baxsan yihiin runta wuu ogyahay. Qaar badanina way cadeeyeen in ciidanka Somaliland awood ahaan aanay Puntland jirin cudud u jilib dhigi kartaa. Ciidan beeleedyo tolaayeey uun lagu soo ururiyay waa nasiib darro in sidii Xaydhawaynta ay hadba dabka isku soo shubaan, marka holacu leefana ay meydkooda kaga yaacaan isagoo kaymaha wadhan. Hadii si run ah loola xisaabtamo yarkan weerka xidhan ee Tukeraq uun maqlay dil buu noqon lahaa xukunkiisu dadka shicibka ah een lahayn tababar milatari een ahayn ciidan qaran iyo mid maamul goboleed midna ee ku dhintay weeraradii istuska iyo bakhbakhda ahaa een lahayn wax ujeedo ah oo lagu xaqiijinayay. Dhalinyaradii uu dabka ku soo shubayay waxay ku dhinteen ciyaar ciyaar iyo dano gaar ahaaneed oo madaxda muddo xileedkoodi dhamaaday ay ka lahaayeen.

cali-guray

Waxay ku leeyihiin bulshada caalamka waanu ka diidnay taladii ay soo jeediyeen si aan dagaal dambe u dhicin. Marka ay sidaa leeyihiin ma oga inay Somaliland ku heshay xaqqa is daaficidda oo haddii Garoowe ay aroorta u kolanyaystaan ciidamadeedu oo halka lagaga soo duulo ee colaadda laga wado ah in iyagu wixii dhaca masuuliyadeedu ay dushooda tahay.

Dagaalkan ay Somaliland ka warwareegayso hadii aan laga badheedhin wuxu ahaan dagaal furan laakiin haddii sida lagu qasbayo aanay u wajihin xaqiiqada sheekaduna aanay Tukeraq Dhaafin oon Garoowe oo caasimadda Puntland ah laysku qabsanin khasaaruhu wuxu noqon mid iska sii socda wax guul ah oo la taaban karana aan laga gaadhin weerarada is daba jooga ah ee mar kasta ay jab iyo hoogga kala kulmayaan kuwii dagaalka iyagu riday ee weerarka soo qaaday.

cabdiwali gaas

Dabcan Garoowe waa magaalo dad shacbi ah oo badani ay ku nool yihiin dantooduna maaha inay Garoowe noqoto goob dagaal oo lagu kala qaxo. Laakiin haddii ay dhacdo siday wax leeyihiin waa qasab inay dhacdaaye yaa ka masuul ah?

Tan kale marka xabadda ugu horaysa ee yool baadhka ahi ay ka dul qaraxdo Cabdiweli Gaas Garoowe intuu sii joogi karaa tolow? Ma xagga Galkacyuu firxadka nafta ula carari mise Qardho iyo Boosaaso oo “ waar madaarka uun i gaadhsiiya buu odhan oo baasaaboorkisii ayuu boodhka ka tuman intu caqligu ku soo dego uu yidhaa “ALLE UMA NAXARIISTAANKU ANAGAABAY NAGU DARI!”. Tu kastaba ha yeelo eh horta Garoowe u la’, Somalilandna wixii la baryaa maaha Tukeraq ee waa xadkiinii dib ugu noqda oo haddii ay ogolaanayso shuruudaheeda yeelanaysa damaanadna ay helayso in aan mar dambe laga soo weerari doonin xadka dhinaca kale

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here